Hay’ad fulineysa mashaariic loogu talogalay dhallinyarada Soomaaliya
Hay’adda Horumarinta Afrika ee Dalka Mareykanka (USADF) ayaa ku deeqday ayaa ku deeqday lacag gaareysa $1.4 milyan oo loogu talogalay in dhallinyarada Soomaaliyeed loogu sameeyo tababarro dhinaca farsamada gacanta, shaqooyin joogto ah, iyo abuurista ganacsiyo. Mashruucaan waxaa ka faa’ideysan doona in ka badan 1600 dhallinyaro ah oo kala jooga gobollada Soomaaliya oo dhan, kuwaasoo da’doodu u dhexeyso 18 illaa 35 sano jir.
“Hadafkeenu wuxuu yahay in ka-qeybgalayaasha mashruucan ay isbeddesho noloshooda kaddib marka ay ka qeybgalaan barnaamijka” ayuu yiri Mr. Piyerson oo madax ka ah hay’addan sida lagu xusay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo 70% in ka badan ay yihiin dhallinyaro inaysan helin waxbarasho iyo shaqooyin ku habboon. Sidaasi darteed ayay hay’addu qorsheyneysaa inay Soomaaliya ka fuliso illaa lix mashruuc oo uu fulinayo hay’ad maxalli ah. Deeq kasta waxay ka koobnaaneysaa afar bilood oo isugu jirta casharro lagu qaadanayo fasal iyo iyadoo lagu tababarayo intay shaqeynayaan. Marka uu tababarka dhammaado waxaa ka-qeybgalayaasha la siin doonaa shaqooyin joogto ah ama waxaa la siin doonaa qalabkii iyo dhaqaalihii ay ku aasaasan lahaayeen ganacsiyo yaryar ah.
Noocyada tababarka ayaa isugu jiri doonaan farsamada baabuurta, farsamada korontada, harqaanka, foornooyinka, nafaqeynta, kumbuyutarrada, saxaafadda, habka cilmi-baarista iyo qoraalka, farsamada taleefoonnada gacanta, maamulka xafiisyada, adeegga hoteellada, iyo kalluumeysiga.
Muddooyinkan waxaa sii kordhaya fursadaha la siinayo dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay saameyn xun ku yeesheen dagaallada dalka ka jira, iyadoo dhowaan dhallinyaro kor u dhaafeysa 500 ay deeq waxbarasho siisay dowladda Turkiga. Waxaana la aaminsan yahay in dhallinyarada oo fursado dhaqaale la siiyaa inay meesha ka saari doonto dhallinyarada loo adeegsado dagaalka, loogan faa’ideysto duruufaha dhaqaale ee haysta.
RadioMuqdisho.
Maakhir Media Muqdisho
