Lubnaan oo Markii Ugu Horeysay Xoolo ka Qaadanaysa Soomaaliya+Sawiro
Boosaaso(MMedia) Markab wayn oo nooca xamuulka qaada ah oo ka yimid dalka Lubnaan ayaa kusoo xirtay dekedda magaalada Boosaaso,kaasi oo lagu wado inuu qaado xoolihii ugu horeeyay ee ganacsatdo Soomaliyeed u iibgeeyaan dalka Lubnaan.
Munaasabad ka dhacday dekedda Boosaaso oo xariga looga jarayay ganacsiga cusub ee Lubnaan iyo Soomaliya ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin kale duwan oo kasocday maamulka Puntland iyo ganacsato.
Gudoomiyaha Maxjarka Maxamed Faarax oo ugu horayn ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in mudo badan ay ganacsatdu ku taamayeen inay ganacsi dhoofinta xoolaha ah,inay la galaan dalal ka baxsan wadamada Khaliijka.
“Waxaan u mahadcelinayaa dadkii kasoo shaqeeyay hirgalinta mashruucan,waana markii ugu horaysay oo xoolo isugu jira Lo’iyo Ari loo iibgeeyo dalka Lubnaan”ayuu yiri gudoomiyaha maxjarka Maxamed Faarax Maxamuud,waxaana uu intaasi ku daray inay rajaynayaan inay dhowaan xoolo u dhoofiyaan dalalka Masar iyo Jordan,isahoona sheegay in xiligan ay diyaar yihiin ganacsatadii xoolahaasi iibsan lahayd.
Maamulaha shirkadda SomaliLive Stock Eng.Cumar Ismaaciil Waaberi oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in dadaal balaaran ay uu galeen sidii Lubnaan xoolaha nool uga qaadan lahayd Soomaliya,isagoona xusay inay rajaynayaan in suuq wanaagsan uu kusoo kordhin doono xoolaha nool ee ganacsatada Soomaliyeed u iibgeynayaan dalalka Khaliijka iyo kuwa ka baxsan ee caalamka.
Agaasimaha wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Cabdimajiid Samatar Maxamed Jafan oo isagu goobta ka hadlay ayaa soo dhoweeyay ganacsiga cusub ee Lubnaan iyo Somaliya,waxaana uu ugu baaqay ganacsatada xoolaha ee Puntland inay ka faa’iidaystaan fursadan cusub,isagoona sheegay inaysan wax burcadbadeed ah ka jirin xeebaha Puntland taasi oo saamayn ku yeerta dhoofinta ganacsiga xoolaha ee Soomaliya.
Duqa degmada Boosaso Xasan Cabdale Xasan ayaa ku tilmaamay taariikh iyo guul inay tahay in xoolo Soomaliyeed loo iibgeeyo dalal ka fog Soomaliya,waxaana uu u bogaadiyay ganacsatadii Soomaliyeed ee ka shaqaysay hirgalinta ganacsiga labada dal.
Markabkan ayaa waxaa iska leh shirkadda Aljaabiri ee fadhigeedu yahay dalka Lubnaan,waxaana lagu wadaa inuu qaado xoolo nool oo isugu jirta Lo’iyo Ari oo gaaraya 4-kun oo neef.
Maxamuud Cabdi Ibraahim
Maakhir Media,Bosaso,Puntland
