|

Suldaan Siciid oo soo Afjaray Murankii u Dhaxeeyay Siilaanyo iyo Cadami

Ceerigaab(MMedia) Suldaan Siciid Suldaan C/salaam ayaa soo dhexgalay muran u dhaxeeyay Madaxweyne axmed Siilaanyo Iyo Wasiirka Ganshaadhiga Mudane Cadami sida laga helayo ilo xogogaala oo u waramay MMedia waxaana muranku ka bilowday ka dib markii ay Ragaad noqotay Siyaasada Cadami eek u wajahan Gobolada Maakhir

Wararku waxay intaas ku darayaan in Wasiirka laga reebay waftidii uu horkacayay Madaxweyne Siilaanyo ee uu ugu kicitimay Gobolada Bariga waxaana Cadami lagaga tegay Magaalada  Hargaysa madaama Wasiirku aanu u diyaarin Madaxweynaha Degmooyinkii uu booqan lahaa

Suldaan Siciid ayaa kasoo kicitimay Magaalada Hadaaftimo si uu udhameeyo muranka la sheegayo ee u dhaxeeya Siilaanyo iyo Cadami ee ku qotoma heshiis hoose oo ay hore uwada gaareen labada Masuul waxaanu heshiiskaasi dhigayay in Mr Cadami aan loo gacan dhaafin Gobalada Maakhir wixii siyaasad ah isagana loo daba fadhiisto taasina waxay keentay inay fadhiid noqotay in Maamulka la gaadhsiiyo deegaanadaas

Mr Cadami ayaa qorshe habaysan usoo bandhigay Siilaanyo qorshahaas oo ahaa in la magacaabo gudi ka soo jeedaa deegaanadaas kuwaasoo Maamulka Gaadhsiin doona Maakhir waxaanu magacaabay gudi isugu jirta Odayaal iyo Siyaasiyiin deegaanka laga yaqaan nasiib darose may noqon mid shaqaysa ka dib markii  dhaqaalihii loogu talagay howshaas loo isticmaalay waxyaabo kale.

Barnaamijkan uu hagayay Wasiirka Gaanshaadhiga ayaa waxa kamid ahayd in Ciidamo laga qore deegaanka kuwaasoo gadhwadeen ka noqonayaa fidinta Maamulka waxaana loo xilsaaray Taliyaha aaga Bari Kornayl Daylaaf waxaase noqotay qaybo markii la waayay dhaqaale lagu dhaqaajiyo waana ta muranka ka dhex abuurtay labada masuul

Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Mudane Gacamay ayaan qorshahan waxba lagala socodsiin intii aanu ku dhaawacmin shilkii gaari ee ka dhacay inta u dhaxaysa Dhahar iyo Xiingalool waxaana Wasiirku xiligaa qorshihiisu ahaa inuu ciidanka ka qorto Magaalda Dhahar.

Hadaba Suldaan Siciid ayaa ku guulaystay inuu dhameeyo xurguftii ka dhaxaysay Siilaanyo iyo Cadami waxaanu ku qanciyay Madaxweynaha inuu Cadami yahay siyaasiga beesha u matala Somaliland sidaa daraadeed wixii khilaafa ee yimaada si hoose loo dhameeyo waxaana lagu wada inuu Suldaanku dhawaan u baqoolo Magaalda Hargaysa si uu u dhamaysatiro heshiika

Madaxweyne Siilaanyo ayaanay u suura gelin inuu booqdo afar Degmo oo ka mida kuwa ku yaal Bari Sanaag waxaana la sheegay inay ka hor istaageen Maleeshiyo beeleedyo iskood isu abaabulay kuwaasoo gacan ka helayay Maamulka P/land waxaana ugu danbaystii gaaray Magaalada Ceerigaabo Suldaan Siciid oo u sheegay inaanu xiligan hada lagu jiro aanu booqan Karin degmooyinkaas waxanay ku ahayd Madaxweynaha waji gabax.

Maakhir Media Ceerigaabo

 

 

Comments are closed