Wararkii ugu Dambeeyay Dagaallo culus oo saakay ka dhacay Tuulada Taabto Iyo Diyaarada Dagaalka oo ka qayb qaatay
Muqdisho(MMedia) Dagaalka xooggan ayaa maanta ka billowday deegaano hoos taga Degmada Afmadow, kaasi oo u dhexeyay ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Raaskambooni oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyadoo saraakiisha dowladdu ay durba guulo ka sheegeen dagaalka.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa 17-ruux, iyadoo tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi oo ka dhacay Deegaanka Taabta, Qooqaani iyo deegaano kale oo ka wada tirsan gobolka Jubada hoose.
C/naasir Seeraar oo ah Afhayeenka Raaskambooni ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen dad badan oo labada dhinac ka tirsan, wuxuuna sheegay inay dhinacooda qabteen maxaabiis badan oo ay ku jiraan saraakiishii Al-Shabaab ee dagaalkaasi horkacaysay.
Afhayeenku waxa uu sheegay in dagaalku bilowday barqanimadii Saakay, kaddib markii ay weerar soo qaadeen xoogagga Al-shabaab, wuxuuna sheegay inay dhinacooda dileen ilaa 40-dagaalyahan, islamarkaana ay qabteen rag kale oo ay ku jireen saraakiil Shabaabka ka tirsan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay sheegayaan in dagaalka uu weli socdo sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka uu dagaalku ka bilowday saakay, mana jirto ilaa iminka wax hadal oo ka soo baxay dhanka Shabaabka.
Dhinaca kale waxa la soo sheegayaa in Diyaaradaha dagaalku ka qayb qaateen siday kusoo waramayaan dadka deegaanku waxa kaloo ay ku dareen inay arkayay iyagoo duqayn u gaysanayaa goobaha dagaalku ka socda waxaanay cadeeyaan dadka socotadai in la riixay Uuruka alshabaab waxaanay u sii siqayeen dhinaca Magaalada Qooqaani.
Maakhir Media Muqdisho
