Shaqaale u Dhashay Spain oo u Shaqaynayay Hayada MSF oo Lagu Afduubtay Xerada Qaxoontiga ee Dhadhaab
London(MMedia) Niman hubaysan ayaa afduubay laba shaqaalle ajnabi oo ka shaqeeya xerada Dadaab ee Kenya.
Afhayeenka boliiska ayaa sheegay in labada Shaqaale ay u dhasheen dalka Spain ayna u shaqaynayeen Dhaqaatiirta aan xududa lahayn ee MSF.
MSF ayaa sheegtay in darawalkii reer Kenya ah la dhaawacay.
Afduubkani waxa uu ka dhacay Xerada Ifo qiyaas ahaan u jirta ilaa 80km oo u dhow Xerada Dhadhabaab ee ku taal Xuduuda Somalia waxa kale oo afhayeenka boolisku cadeyay in cidii afduubtay shaqaalahan ay kala talaabeen xadka Sooomaaliya
waxaana loo badinayaa inay shaqaalahan afduubeen Ururka Alshabaab oo hore ugu hanjabay inay weeraro ka gaysan doonaan gudaha dalka Kenya
Xeryaha Dadaab ayaa waxaa ku jira boqolaalkub n oo Soomaali oo ka soo cararay dagaalka iyo abaarta Soomaaliya.
Boliiska ayaa sheegay in Nimanka afduubay shaqaalaha lagu raadinayo baabuur iyo Diyaarad.
Maakhir Media London
