|

Madaxweyne Shariif oo qaabilay wafdi ka socday dalka South Africa

Muqdish(MMedia) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dalka South Africa oo Maanta Muqdisho soo gaaray.

Wafdiga Madaxweynuhu qaabilay ayaa waxaa hoggaaminayay ergayga Madaxweynaha dalkaasi oo lagu magacaabo Jarles Ukakura, waxeyna ka wada hadleen arimo ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka labada dal.

Ergayga Madaxweynaha South Afrika oo la hadlay warbaahinta qaranka kulanka Madaxweynahakadib ayaa sheegay in farriin uu ka siday madaxweynaha Saouth Afrika Je kabsuma uu u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dowladda South Afrika ayaa ka mid ah wadamada Afrikanka ah ee xiriirka soo jireenka ah la leh dalkeena Soomaaliya.

Wararkan oo faah faahsan kala Soco MMedia Goor dhow

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed