Maxaa keenay madaxwayne siilaanyo inuu soomari wayo Magaaloyinka Dhahar iyo Badhan (Warbixin)
Madaxwayanaha Somaliland axmed maxamed Silaanyo iyo wafdi balaadhan oo hogaaminayo ayaa dhawaan u anabaxay Gobolada Bari ee Somaliland .
Safarka ayaa bilowday maalin Jimca ah iyagoo ka anbabaxay magaalada aHargaysa ee Caasimada Somaliland waxaana ay ku horeeyeen magaalada oodwayne ee Gobolka oodwayne iyagoo halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweyay kulamo kula qaatay dadki waxgaradka ahaa fagaarahana kala hadlay dhamaan dadki ku dhaqnaa magaalada oodwayne .
Madaxwayne Silaanyo iyo wafdigii ayaa usii kici timay dhanka Gobolka sanaag halkaasi oo iyana si aada loogu soo dhaweeyay waxaan laagaga Hor yimi meel ka baxsan magaalada Burco ,kadib imaanshaha magaalada madaxda Gobolka Togdheer waxaa uu halkaasi kula kulmay Maamulka gobolka iyo kan degmada .
Iyaadoo la sugayo inuu ka qudabdeeyo meel fagaaraha beerta Xoriyada magaalada Burco subixii aayaa waxaa lagu war helay isagoo jooga magaalada Laascaanood .
Madaxwayne Silaanyo ayaa booqday Halka ay joogaan ciidamada Somaaliland ee Ganbara isagoo halkaasina ciiidamada kula soo hadlay salaana kasoo qaatay ,waxaa kaloo uu magaaalda markii uu dib ugu soo laabtay la kulmay odayaasha iyo guurtida magaalada laascaano isagoo kala hadlay xaalda dalka iyo sidii amaanka looga shaqyn laha
Kadib waxa uu isna soo maray magaalada caynaba ee Gobolka sanaag isagoo si aada loogu soo dhaweeyay waxaana halkaasi uu kala hadlay dadkii goobta Magaalada,kadibna dib wax uu ugu soo laabtay magaalada Burco ee Gobolka togdher isagoo subixii daneba la hadlay dadka burco isagoo fagaaraha beerta xoriyada Burco kala hadlay dadkii .
hadaba booqashiidii u madaxwayne siilaanyo ku marayay Gobolada Bari ee dalka ayuu hadana kasii aday Gobolka sanaag qabtiis waxana uu ku horeyay magaalooyina Gar adag iyo Ceel af wayn waxaan labadaasi magaalo loogu soo dhaweyay si aan looga soo dhawyn Goboladii iyo magaaloyinkii uu marayay waana magaaloyin uu kasoo jeedo Silaanyo.
Waxaa kaloo uu uga sii anababaxay magaalada Ceerigaabo ee Gobolka sanaag isagoo xili makhrib ah halkaasi ku beegmay dad badan ayaa ka hor yimi iyadoo si wanagsan loo soo dhaweyay wafdigii uu hogaaminayay ,kadibna waxaa loo sii galbiyay halkii loogu talagalay ,subixiina waxa uu la hadlay dadk ku nool ceerigaabo isagoo kala hadlay arima badan oo khuseya amaanka Gobolka isagoo sidoo kale dhagax dhigay laamaha kala duwan ee dawlada.
Hadaba hadalka Nuxurkiisa danbe ayaa ah hadii madaxwayne silaanyo uu booqday Magaalyinka waawayn ee Somaliland sida laascaano Burco oodwayne Caynaba muxuu u aadi wayay magaaloyinka kale ee ahaa xudunta Somaliland silaanyo waxaa uu socdaalkiisii kusoo gaba gabeeyay magaalada ceerigaabo oo awalba madaxwayne kastaaba tagi jiray waxaa kaloo uu madaxwaynuhu ilaaaway ciidankii Somaliland ee fadhiyay xuduudaaha .
ciidankaasi oo la diyaar ahaaa salaan balse ay ka dhici sowday salaantaasi waxayna joogeen meel u jirta 60 km oo lagu magacaabo Biyo guduud halka magaalada shinbiraalena ay u jirtay iyana oo ay ciidanku joogaan 90 KM hadaba maxaa keenay in uu booqdo ciidanka Ganbara oo uu booqan wayo ciidanka Sanaag,waa su’aal kusoo noqnoqonaysa maskaxda dadka.
Sanaag oo dhul baaxadwayn oo ay Somaliland ku faanto in ay leedahay hase ahaate muu dhabayn in ay leedahay waxa uu u bayaamiyay in ay leedhay puntland taasi oo ay micnaheedu tahay in magaaloyinka waawayn ee sanaag aanu tagin ay u dhigan tahay in uu siiyay puntland sida Badhan Hadaaftimo Xigalool dhahar iyo kuwa kale ee ku yaala Gobolka.
Magaaloyinkaasi oo ay degen yihiin Qabiilada Warsangali halka magaalada ceerigaabo ay kadagaan qayb laakin aanu booqan taasina ay wax wayn ka badalayso niyada ay dadkaasi u hayaan Somaaliland waayo waxaa uu booqday magaaloyinkii kale balse muu booqan meelihii muhiimka ahaa .
Somaliland waxay ku faantaa inay soo xidhayso xuduudaheeda balse taasi way beenowday oo waxa raaadkaasi tir tiray madaxwaynaha Somaliland oo aan cagta dhigin halkii xuduudka ay ku sheegayeen iyadoo xuduudka JSL uu yahay ceelaayo ilaa Qardho hoosteeda balse uu ka baqay meel u jirta 60 KM oo ay ciidanka qaranka somaaliland joogaan taasi oo ay walwal wayn iyo saxariir ku dhalisay dadkii deegaankaasi waxayna ka cadhoodeen Silaanyo .
Hadaba Magaaloyinka waawayn maxay u tagi waayen masuuliyinta ka tirsan Somaliland ma waxaa jooga ciidan aan loo gali karin mise iyaga ayaa iskod uga baqa mise goobta ayaanayba ku kalsoonayn ,waa su’aalaha lala dhex maraayo magaalada oo ay dadku ku hadaaqayaan waxaa kaloo ay dadku sheegayaan ama dadka waxgaradka ahi in hadii silaanyo uu tagi lagaa Magaalyinka DHahar iyo Badhan ay wax wayn ka badl lahayd siyaaasad Silaanyo oo aad loogu soo dhawaan lahaa.
Balse waxay noqtay in aanu halkaasi cagba dhigin taasina cadaynayso in Somaliland aanay doonayn inay halkaasi tagto waxaa kaloo aad u layaab badnayd in wax deeq ah iyo waxqab wax ku oola aan laga hir galin magaaloyinka aanu silaanyo booqan iyadoo ay dadku cabasho xoogan ka muujiyeen ,Somaliland waxay ku faantaa Gobolka sanaag oodhan taasina maaha wax maskaxda galaya waa somaliland iyo booqan mayno maaha mid sii soconaysa .
maxay tahay ajandaha horyaala siyaasiinta Degen Gobolka sanaag ma waxay kusii sugnaan doonaan in maalinkasta halkaasi laga noqdo oo aan albaabka lagu soo garaacin mise waxay wax kabadali doonaan taatigada siyaasadeed .
isku soo wada xooriyo Somaaliland waxay si aada ugu faanta ama ciidan geysaa Gobolka sanaag iyadoo ay saasi tahay ayay hadana tagin madaxwayna yaashooda Gobolkuna waa dhul balaadhan oo ay ugu badan yihiin dadka aan la booqan taasi oo micna heedu yahay in aanay haba yaraatee dan ka lahayn in ay halkaasi
Maakhir Media Badhan
