|

Caruurta Ku Dhalata Iyagoo Faruuran oo Qaliin Bilaash Ah Loogu Sameeyay Cisbitaalka Garoowe+Sawir

Garoowe(MMedia) Isbitaalka guud ee Garowe ayaa labadii asbuuc ee u danbaysay waxaa ka socday qaliimo iyo daaweyn ay fidinayeen dhakhaatiir ajaanib ah kuwaasi oo si taborucaad ah qaliimo iyo daaweyn guud ugu samaynayay dadka ku dhashay iyaga oo faruuran. Dhakhaatiirta oo u badan Madow waxa ay dalka yimaadeen Bishan October horaanteedii waxayna shaqada bilaabeen isla waqtigii ay yimaadeen.

Maamulka Isbitaalka Garowe ayaa ka warbixiyey sida ay shaqadu u socoto, Dadku halkay ka kala yimaadeen iyo ilaa hada inta qof ee wax loo qabtey ee qaliimada loo sameeyey, Maamulka Isbitaalka guud ee Garowe waxa uu sheegay inay shaqadu si wanaagsan u socoto aysana jirin wax caqabad ah oo shaqada ka horyimid iyadoo maamulku sheegay in shaqaalaha Isbitaalka iyo Madax ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ay har iyo habeenka ay joogaan Isbitaalka ayna la shaqeynayaan dhakhaatiirta.

Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Garowe Dr. Cismaan Xaaji Yuusuf waxa uu sheegay in Dadka Isbitaalka yimid ee caruuraha iyo dadka waa weyn ee faruuran wata ay aad u badan yihiin inta ilaa hadda wax loo qabteyna ay gaarayaan 160 qof oo caruur u badan. Cismaan waxa uu intaas ku darey in dadku ay isaga kala yimaadeen guud ahaan Soomaaliya oo markii ay warka dhakhaatiirta maqleen uu qof walba soo kaxaystey ilmihii ama qofkii ehelkiisa ahaa ee faruurnaa.

“ Shaqadu way socotaa ilaa hadana dad 200 ku dhow ayaa qaliimo lagu guulaystey loo sameeyey hade shaqaduna way socotaa oo marka ay soo dhamaato ayaan soo gudbin doonaa tirakoobka saxda ah, dadku waxay ka yimaadeen  gobalada Puntland, waxaa laga yimid Gobalka Soomaalida ee Itoobiya, waxaa laga yimid Gobalada Galgaduud, Hiiraan waxaa kaloo laga yimid Gobalka Togdheer  marka mashruucan reer Puntland oo dhami lama oran karo way ka faa’idaysteen ee Soomaali oo dhan ayaa ka faa’idaysatey anagu hadaanu Isbitaalka guud nahayna waxaan ka madax banaanayn inaan soo kala dhaweysano dadka oo way noo sinaayeeen waxaana ku dadaalaynaa inaanan dadka yaga hagran” ayuu yiri Cismaan.

Isbitaalka guud ee Garowe oo aan booqasho hawleed ku tagay waxaan soo indho indheeyey guud ahaan Isbitaalka dadka qaliimada loo sameeyey iyo kuwa sugaya waxaadna dareemaysaa marka aad Isbitaalka tagto oodna aragto dadka faruuran ee halkaas isugu tagay waxaad garawsanaysaa in caruurta faruurani ay ku badan yihiin Soomaalida waxaa laga yaabay inaad qof qof faruuran aad mar un arki jirtey lakin markaad aragto boqolaal faruuran oo wiilal iyo gabdho ah aadbaad u jariiracoon adoo ka naxaya sida caruurteena iyo dadkeenuba u dayacan yihiin oo xitaa aynaan qaliin ugu samayn Karin caruurteena inta ay yar yihiin ee wax laga qaban karo.

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Puntland waxay mashruucan in dalka laga fuliyo codsanaysay muddo iyadoo madaxda wasaaraddu ay magaalada Nairobi ugu tageen hay’adaha samafalka ee fadhigoodu halkaas yahay iyadoo mashruucan ay ka aqbashay hay’ad Ingiriis ahi inay dhaqaalaha bixiso, mashruucan oo markii hore ahaa in qaliimo 500 gaaraya lagu sameeyo Isbitaalada Garowe iyo Gaalkacyo ayay wax iska badaleen qorshihii hore waxayna talo noqotey in 2 waji loo kala qaybiyo wajiga koowaadna Garowe lagu sameeyo 300 oo qaliin halka tiro intaas ka badana qaliimo loo sameeyo dabayaaqada sanadkan 2011.

Mashruucan oo si guul ah u socda walina aan soo dhamaan waxaad ka dareemaysaa baahida loo qabey marka aad aragto caruuraha faruuran ee ay dadku la taagan yihiin Isbitaalka, waxaad arkaysaa darbiyada Isbitaalka oo ay dadka meelaha fog ka yimid ka samaysteen deegaano ay dagaan maadaama aysan magaalada cid ka garanayn dhaqaalahooduna uusan u saamaxayn inay Hoteelo dagaan, Qorshaha wasaaradda iyo Isbitaalku u sameeyeen dadka ayaa ahaa mid loogu danaynayay dadka iyadoo Wasaaraddu Ilgaar ah ku eegaysay dadka meelaha fog ka yimid

Source Wasaarada Warfaafinta Puntland

Maakhir Media Garoowe

Comments are closed