|

Ciidamada Ingriiska iyo Maraykanka oo Marakab laga leeyahay wadanka Talyaaniga xoog kusoo furatay+Sawiro

Markab laga leeyahay wadanka Talyaaniga oo ay haysteen Burcad badeed ayaaa ciidamada Maraykanka iyo Briteen soo furteen kadib Hawgal la yaableh oo ay fuliyeen ciidamada marineska ayaa u suurta geliyey in ay si fudud ku soo furtaan markab weyn oo magiciisa la dhaho Montecristo ayaa maalintii shalay waxaa gacanta ku dhigey koox burcadbadeed Soomaali ah, waxayna ka soo afduubteen meel aad uga fog biyaha Soomaaliya.

Hawlagalkii ay fuliyeen Kumaandooska dalalka Britain iyo Maraykanka ayaa ahaa mid ay kaga naxsadeen Burcadbadeeda, waxayna ku hubeysnaayeen baastoolado iyo qoriga darandooriga u dhaca ee SA-80, waxaana u suurta gashey in ay gacanta ku dhigaan dhamaan burcadbadeedi Markabkaas saarneyd kuwaas oo aan xabbad juuq ka siin, waxaana lagu sheegay tiradooda 11 burcadbadeed.

Shaqaalaha markabka ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen 23 qof kuwaas oo u kala ahaa 7 Talyaani ah, lix Ukrain u dhlatay iyo 10 ka soo jeeda dalka Hindiya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Franco Frattini ayaa mahad gaar ah u direy ciidamada Royal Marines-ka iyo weliba Royal Navy, waxanaa uu sheegay in hawglakaani uu yahay mid sii xoojinaya wada shaqeyntii la dagalaanka burcadbadeeda.

Burcada ayaa inta badan ka qawalaysata xeebaha Somaliya S i ay lacag uga qaataan maraakibta ay qafaashaan,Burcadan shalay la qabatay aya ahayd  kuwo soo afduubtay markabkan isla shalay kaidban ciidamada maarinska ee ingriska iyo maryakanka ay xoog kala wareegeen burcadii iyagoo gacanta ku dhigay 11

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maakhir Media Roma

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed