|

Israel oo kumanaan maxbuus ku furanaysa Gilad Shalit oo ay xamaas haysatay

Golaha wasiirada ee Israel ayaa heshiisk ansixiyey subaxnimadii maanta, inkasta oo saddex wasiir oo ah kuwa midigta xagjirka ah ay u codeeyeen Maya waxaana ka mid ah wasiirka arrimaha dibada Avigdor Liebermann.

Israel iyo maamulka Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa heshiis ka gaarey in Xamaas sii deyso Gilad Shalit, taasna beddelkeeda ay heleyaan in 1000 qof oo Falastiiniyiin ah laga sii daayo xabsiyada Israel.

Gilad Shalit, oo hadda 24 jir ah, kana tirsanaa ciidanka israel, waxaa laga afduubtey xaduuda Gaza la wadaagto dhulka Israel ay maamusho sanadkii 2006-dii.

Labada dhinac ayaa hadda qorsheynaya qaabkii ay isu weydaarsan lahayeen maxaabiista ficil ahaan, waxaana lagu wadaa in iswerydaarsiga maxaabiistu uu bilowdo bilowga bisha Nofeenbar. Sida uu qoraayo heshiisku marka hore waxaa la sii deyn doonaa 450 maxbuus oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo ay ku jiraan 280 lagu xukumey xabsi daa’in.

Sidoo kale waxaa heshiiska kamid ah in lasii daayo caruur iyo haween ay haysteen cidamada Isreak iyadoo ay dadkaasi ku xidhan yihiin jeelalka

Ninka Lagu magacaabi Gilad Shalit ayaa la afduubtay mudo iminka laga joogo 5 sano iyadoo ay haystana  Maamulka xamaas.

Maakhir Media Ramala

Comments are closed