Maanta oo ay ku beegantahay maalintii la asaasay Calanka Somaliya 1951
Maanta oo ay ku beegantahay maalintii la aasaasay calanka Jamhuuriyada Somaliya ee Buluuga ah .
Bisho oo maanta ah 12 october 2011 oo ku began maalintii calanka somaliya uu soo galay shaashadaha dunida waxaana uu ahaa calan ka samaysan Buluug iyo xidigta dhexda kaga taal
Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa hindisay nin lagu magcaabo Maxamed Cawaale Liibaan sanadii 1951dii.
Waa maalin qadarin iyo qiimo uga fadhisa dhammaan dadka Soomaaliyeed meel walbo oo uu ku sugan yihiin, hasa ahaatee ummadda Soomaaliyeed waxaa xanuun iyo uur ku taallo ku noqotay sida laga yeellay sharafta iyo karaamada uu leeyahay Calanka xiddigta dhexda ku leh ee baluuga ah.
1951 ayay ahayd markii la asaasay calank somaliya waxaan maalintaa kadib Somaliya noqotay meel aduunka calan ku leh iyadoo maantana calankeedu yahay mid aan ku jirin halkii maalintaasi la dhigay .
Tan iyo waagii ay dhacday dawladii dhexe ee somaaliya waxaa hoos u dhacay calanka Somaliya iyadoo ay sabab u ahayd dawlad la’aanta taasi oo keentay in dadkuba noqon wayaan muwaadiin.
Calanka somaaliya qiimihi uu lahaa malaha maanta waayo waxa uu noqday mid midabo badan yeesha iyao sidoo kalena uu noqday mid aan dhulka laga qaadain waayo waxaad arkaysaa calankii oo boodha yaala ama lagu dul tumanaayo taasina waxay ku tusasyaa dadka oo aan muwaadin ahayn.
Isku soo wada xooriyo maanta waa maalin qiimo iyo qadarin ka mudan dadka Somaaliyee meel kastoo ay joogaan waana maalin lagu heeso Calankeeniyoo cawale .
Maakhir Media Muqdisho
