|

Madaxwaynaha Somaliland oo saaka dib ugu soo laabtay Hargaysa+Dhagyso

Play

Madaxwaynaha Jamhuuriyada SomalilandAxmed Maxamed Maxamud silaanyo iyo wafdigii Baladhnaa uu hogaaminayay  oo Maalmahaba kusugnaa Gobolada Bari ee Somaaliland ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Hargaysa  iyagoo kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Ee Cigaal internation Air porte .

Wafdigan uu hormuudka u yahay madaxwaynaha ayaa kasoo kici timay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag  iyago laba cisho halkaasi ku sugnaa lana hadlay dadka ku nool ceerigaabo.

Markii uu madaxwaynuhu soo gaadhay Groonka waxaa si aada u soo dhaweeyay qayba kamida wasiirada xukuumada iyo Golaha wakiiladaSomaliland,Cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka oo uu salaam sharaf ka qaatay  iyo shacab badan

Kadib madaxwaynuhu markii uu ka soo degay Garoonka waxaa losoo galbiyay dhanka Qasriga madaxtoyada ee magaaalada .

Madaxwaynaha ayaaa mudo usbuuca ku maqnaa Goboladabariee Somaliland  isagoo soo maray  Gobolada oodwayneTogdhert Saraar Sool iyo sanaag oo uu hada ka mini magaalo madaxdiisa Ceerigaabo .

Safarka uu ku murayay Gobolada Bari ayaa ahaa mid si aada loogu soo dhaweyay iyadoo uu goob gasta uu tago la hadlayay shacabka waxaana uu kala hadlayay in  amaanka la ilaaliyo wada shaqayna lala yeesho dawlada ,sidoo kale waxa u balan qaaday in wax laga qaban doono caafimaadka, waxbarashada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waa markii ugu Horaysay ee safar balaadhan oo noocan oo kale ah ugu baxo Gobolada Bari eeSomalilandtan iyo wakhtigii loo dooratay jagada madaxwayna muda sanad iyo badha ah .

Maakhir Media Hargaysa.

Comments are closed