Hayland oo Ku baaqday Go Gol Nabadeed
Dhahar:-Eng Yuusuf Xaaji Siciid [Madaxay] oo ahaa Gudoomiyihii ugu Horeeyay Baarlamaanka Puntland ayaa u waramay Idaacaadaha Gudaha ee Puntland waxana uu sheegay inay wadaan waan waan looga Gol Leeyahay sidii loo soo Af jari lahaa colaad Mudo dhex taalay Laba beeleed oo wada dega Qardho iyo G.Hayland.
Eng Yuusuf ayaa xusay in Gogosha la dhigay Magaalada Dhahar isla markaana Odayaasha Laba dhinac ay wada Joogaan wuxu rajo wanaagsan ka Muujiyay in wada hadalkaasi beelaha walaalaha Guul laga gaadhidoono Dhawaan.
Masuulkan ayaa u Mahadceliyay beelaha Labada Dhinac oo uu xusay inay Yihiin Dad Nabad jecel oo Qaata Go’aanka Odayaasha beelaha.
Waxa uu sidoo kale Meesha ka saaray inaana Gogoshaasi ku wehelin Ergooyin kale oo Gobolada PL ka Yimi ee ay Yihiin Beelaha Qardho iyo Hayland Kaliya oo Danahooda ka Tashanaya.
Shirkan wajigiisii kowaad ayaa Horay uga furmay Bishii December 15, 2010 Magaalada Carmo waxana Goob Joog ka ahaa Odayaasha Labada Beelood in kastoo Dowlada Puntland ay Kaalin ku Lahayd oo Gudoomiyihii Hore ee G.Bari Sheekh Cabdi Xaafid Cali Yuusuf iyo Wasiir ku Xigeenka Amniga C/saaq Xareed Ismaaciil lagu Casumay.
Galgala News
Maakhir Media Dhahar
