Ciidamo Ka soo Jeeda Beesha Warsengeli oo Ka Hor Istaagay Siilaanyo Inuu Ka Soo Gudbo Bariga Ceerigaabo
Ceerigaabo(MMedia) Ciidamo iskood isu abaabulay oo kasoo jeeda Beesha Warsengeli ayaa isku uruursaday Dooxada Dhabanaas oo 4 Km u jirta Magaalada Jiidali kuwaasoo dhaq dhaqaaq xoogan ka wada jiidaas waxa kale oo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inay soo gaareen Gawaari tikniko ah oo kasoo ambabaxay Magaalooyinka Xiingalool,Ceelbuh,Buraan,Baaragahaqol Iyo Hadaaftimo kuwasoo kusoo wajahan dooxadaas waxaana la sheegaya inay usi diyaarinayaan sidii ay uga hor tegi lahaayen isku day la sheegay inuu wado Madaxweyne siilaanyo oo doonaya inuu booqdo deegaanadaas.
Talaabadan ay ciidamadu kaga hortagayaan waftiga ayaa imanaysa ka dib markii wafti uu hogaaminayo Axmed siilaanyo ay soo gaareen Magaalda Ceerigaabo kuwaasoo la sheegay inay isku dayayaan inay booqdaan Degmooyin dhowra waxaan lagu soo waramayaan in shacabka deegaankaas ku nooli ay aad uga caraysan yihiin isku dayga siilaanyo
Dhinaca kale Saraakiil ka socota Maamulka P/land ayaa la sheegayaa inay kasoo talabeen Magaalada Ceel Daahir(ex-Ceeldoofaar) waxaanay wataan Ciidamado ay doonayaan inay ku xoojiyaan kuwa deegaanka ee iskood isu Abaabulay
Shabakada Maakhir Media maray la xiriirtay Odayaash deegaanka ee Magaalada Hadaaftimo ayay u xaqiijiyeen in Ciidamo iskood isu abaabulay kusii qulqulayaan Dooxada dhabanaas waxa kale oo ay intaa ku dareen in Gawaari Tikniko ah ka ambabaxeen Magaalada Hadaaftimo halka kuwe kalen saaka waaberigii dhaafeen kuwasoo kusii jihaysnaa dooxada
Hadaba isku soo wada duubaa waxa laga yabaa inuu hakad ku yimaado Safarkii Siilaanyo ee Deegamadaas madaama ay hoganayaa Ciidan beeleedyo aan aqoon sanayan Mansabka iyo Maamulka uu gadhwadeenka ka yahayba waxaanay waji gabax ku noqonaysaa Safarkii uu ugu talagay inuu kusoo gala bixiyo dhamaan Gobolada uu sheegay siilaanyo inuu u yahay Madaxweyne tanina waxay noqonaysaa deegaankii ugu horeeyay ee laga horjoogsado Mr siilaanyo tan iyo xiligii uu bilaabay inuu booqdo Gobolada Bariga.
Maakhir Media Ceerigaabo
