Wasiiro Ka Tirsan TFG oo Booqday Goobihii Shalay Lagala Wareegay AlShabaab
Muqdisho(MMedia) Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Gaashaan dhiga iyo saraakiil ciidan ayaa maanta booqday gobihii shalay laga xoreyay shabaab iyogoo meel fagaaro ah kula hadlay dadweynaha ku nool degmada helliwaa.
Kormeerkaan ay maanta Mas’uuliyiinta Ka tirsan Dowladda Soomaaliya ku tageen goobaha ay shalay la wareegeen ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa waxaa hor kacayay wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Macalin Nuur waxaana kormeerkaasi ku wehliyay Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka General C/kariin Yuusuf Aadan “Dhagabadan”,Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gashaanle Sare Xasan Maxamad Xuseen “Muungaab”,Guddoomiye ku xigeenka gobalka Banaadir ee dhinaca nabadgalyada iyo qaar ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir.
Abaanduulaha ciidanka XDS G/ C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan ayaa mas’uuliyiinta warbixin ka siiyay qaabka uu ku socdo howlgalka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay ka wadaan magaalada Muqdisho waxa uuna carrabka ku adkeeyay in Howlgalladu ay sii socon doonaan tan iyo inta dalka oo dhan laga xoreynayo maleeshiyadka al shabaab
Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Maxamuud Macalin Nuur ayaa sheegay In u jeedka Kormeerkoodu uu la xiriiro sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka dadweynaha Soomaaliyeed ay daashadeen dagaalada iyo gumaadka joogtada ah ay ku hayeen kooxda al shabaab iyagoo kula kacayen shacabka ku nool dagmooyinkaasi.
Intii ay mas’uuliyiintaasi kormeerka wadeen ayaa waxaa loo soo bandhigay dhalinyaro la qalday oo ka tirsaneyd kooxda al shabab kuwas oo markii ay qirteen in al shabaab ay ka tirsanaayeen uu Cafis u fidiyay abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xoriyaddoodana dib loogu Celiyay, waxaana Abaanduuliha Ciidanka iyo wasiiru dowlaha Gaashaandhigga ay dad weynaha Kula hadlay suuqa dagmada Heliwaa ay wax ka weydiiyeen in ay jiraan wax dhibaatooyin ah oo ay la kulmeen intii howlgaladu socdeen.
Maakhir Media Muqdisho
