Shariif Sakiin oo Muqdisho Ku soo Laabtay Ka dib Safaro Shaqo oo uu Debada ugu Maqnaa+Sawiro
Muqdisho(MMedia) Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadann ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib markii uu safarro shaqo ku tagay qaar kamid ah dalalka caalamka.
Shariif Xasan SH Aadan guddoomiyhaa baarlamanka Soomaaliya oo safarro kale duwan ku soo maray wadamada Mareykanka, Denmark iyo Kenya ayaa barqanimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde waxaana safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ku soo dhaweeyay ku xigeenka kobaad ee guddoomiyaha baarlamanka C/weli Sh Ibraahim muudey, xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaanno, saraakiil ka tirsan dowladda iyo mas’uuliyiin kale.
afheyeenka baarlamanka Soomalaiya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa ugu horeyntii ka tacsiyeeyay qaraxii ay alshabaab ku halaageen dadka Soomaalaiyeed oo u badnaa arday u soo baxeysay wadanka waxa uuna dhanka kale guddoomiyaha si weyn u soo dhaweeyay howlgallada ay wadaan ciidamaad qalabka sida iyo kuwa amisom kuwas oo dalka ka xureynayo cadowg alshabaab iyo xulafooda isagoo intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed iyo caalamka ay dadaal ugu jiraan sidii loo tirtiri lahaa kooxdaasi.
Guddoomiyaha baarlamanka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in mas’uuliyintii uu la kulmay waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu kala hadlay ay ka mid ahaayeen sidiii loo xaqiijin laha ammaanka guud ee dalka islamaraakaana loo sii kordhin lahaa gurmadka loo fidinyao dadka Soomaaliyeed ay abaartu saameeysay.
Ugu dambeyntii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay midoobaan oo ay si weyn u taageeraan dowladooda si dalka oo dhan looga xureeyo kooxaha diidan midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.
Maakhir Media Muqdisho








