Sarifka Doolarka oo Hoosu dhac ku yimi Magaalada Hargaysa iyo maciishadii oo Halkeedii Taagan+Dhagayso
Podcast: Play in new window | Download
Mudooyinkii ugu danbaysay waxaa hoos u dhac ku yimi Sarifka Dollarka iyadoo Macishada kala duwana ay Meeesheda ka dhaqaaqin .
Dadka ku nool magaalada Hargaysa ayaa aad uga cabanaya sarifka lacagaha qalaad hoos u dhac ku yimi iyo qutal daruurigii oo aan meeshiisii ka dhaqaqin waxaa taasi dheer ayay dhaheen in aan waxba la goyn karayn .
Doolarka ayaa maalmahan si xad dhaaf ah hoos uga dhacay halkii lagu ogaa iyadoo maanta lagu sarifayay 500 ilaa 520,waxaan ay ganacsatadu ku sifeeyeen in hoosu dhacani uu yimi kadib markii lasoo galay Arafadii oo xoola badan dalka laga dhoofinayo.
Iyadoo ay saasi tahay xaaladu waxaa aad uga cabanaya dadka ku nool magaalada Hargaysa sarifka suuqa oo hoos u dhacaya iyo macishadii oo halkeedii aan ka dhaqaaqin
Sidoo kale sariflayda oo aanu ku booqanay goobta ay lacagta ku kala sarifaan ayaan nooga waramay waxyaalaha keenay in doolarku uu halkaasi gaadho ……
Dhanka kale ganacsanatada iibisma maciishadaha kala gadisan ee ay kamid yihin bariiska iyo daqiiqda ,Burka ,Sonkorta ayaa iyna kawaramay xalada haatan maciishadu marayso……
Maalmahan danbe ayaa waxa hoos u dhac xoogan uu ku yimi sarifka lacagaha qalaad taasi oo wal wal wayn ku dhalisay dadka kala duwan ee kunool caasiamda hargaysa waxaa sidoo kale ay dadku ka cabanayaan maciishadii oo aan halkeedii ka dhaqaaqin…
Caasimada Hargaysa waxaa ku nool dad badan oo ka kala yimi Dhamaan Gobolada dalka iyadoo ay dadkaasi u badan yihiin danyar aan goyn karayn halka maanta maciishadu marayso iyadoo ay qaarna dab shidan madam aanay haysanba lacag ay wax siistaan…
Waxaa la gaadhay bishii arafo oo ay xoola badan laga iibinayo Gobolada oo dhan iyadoo taasi sababtay in sarifka doolarku uu hoos u dhaco,Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah maxay dawladu wax uga qaban wayday doolarkan oo hadba dhinac isu rogaya iyo Ganacsatadan Maciishadii halkeedii ku haysa
Maakhir Media Hargaysa
