|

Dawlada wadanka Iran ayaa ku dhawaqday in ay Somaliya Keenayso Dhakhaatir dawaysa dadka Barakcayasha ah

Dawlada Iran ayaa maanta ku dhawaaqday in ay Soomaaliya u soo dirayso koox dhaqaatiir ah iyo dawooyin loogu talo galay in lagu daweeyo dadka barakacayaasha ah ee ku dhibaateysan xeryaha qaxootiga ee dalka Soomaaliya

wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Iran Cali Akbar Saalixi ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegay in ay dhaqaatiir iyo dawooyin u soo dirayaan dalka Soomaaliya, si ay wax uga badalaan xaaladaha liita ee ay haatan ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ay daashadeen abaarah xoogan ee sida ba’an ugu dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Hay’adda bisha cas ee dalka Iran ayaa sheegtay in ay xarumo caafimaad oo lagu dabiibaayo barakacayaasha Soomaaliyeed ka hirgalinayso gudaha dalka Soomaaliya.

Dawladaha Baxreyn, Iran iyo Turkiga ayaa ka mid ah dalalka deeqbixiyayaasha ah ee u soo gurmaday walaalhooda Soomaaliyeed ee ay daashadeen abaaraha iyo colaadaha isbiirsaday ee ku nool goboladda dalka Soomaaliya.

SONNA

Maakhir Media Iran

Comments are closed