|

Madaxwaynaha Somaliland oo Cawa Gaadhay Xarunta Cerigaabo +Warbixin wariye Comaade

Play

Madaxwaynaha Somaliland axmed Maxamed maxamuud silaanyo iyo wafdi balaadhan oo dhawanahan socdaal ku marayay Gobolada Bari Somaliland ayaa Makhribkii gaadhay caasimada Gobolka Sanaag Ee ceerigaabo iyadoo si wayn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdigii balaadhana ee madaxwaynuhu uu hogaamiyay ayaa si aada loogu soo dhaweeyay magaalada ceerigaabo ee Gobolka sanaag iyadoo lagag Hortgay magaalada Yufle oo ku dhow magaalada ceerigaabo waxaa wadooyinka waawayn isugu soo baxay dad badan kuwaasi oo ku dhawaqayay eriyo soo dhawyn ah.

Madaxwaynah ayaa soo maray magaaliyinka Garad Ceel afwayn isago halkaasi ka jeediyay Qudbado waxaana uu la hadlay dadkii halkaasi deganaa cuqaal iyo waxgarad iyo maamulka magaaloyinkaasi.

Hadba markii la soo gaadhay magaalada ceerigaabo ee xarunta Gobolka sanaag ayaa waxaa si aada usoo dhaweeyay maamulka Gobolka degemada iyo dhamaan dadka ku nool Magaalada ceerigaabo ,iyadoo laga dareemayay magaalada sawaxan iyo buuq ka muuqatay farxad soo dhawyn madaxwayne.

Saaka Hiirtii waa baria ayuu madaxwaynu ka anababaxay magaalada Burco ee gobolka sanaag isaga iyo wafdigii balaadhanaa ee uu hogaaminaya.

Maxamed Farah Comaade

Maakhir Media Ceerigaabo

Comments are closed