|

Ciidamda DKMG ee Somaliya oo la wareegay Dhul balaadhan Hub iyo Sanad Gacanta Ku dhigay+Sawiro

Ciidammada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom ayaa si rasmi ah dagaalkii saakay waxa ay kula wareegeen gacan ku heynta Suuqa degmada Hurwaa,Saldhiga Degmada Hurwaa,Warshadii Baastada,isgoyska Ex Control Balcad,Isgoyska SOS,Isbitaalkii SOS,Qabuurihii Talyaaniga oo ay Shabaabku ka dhigeen goob ay sida naftooda loo haligo ku baraan Carruurta ay marin habaabiyeen ayagoo qabuurihii Talyaanigana magaca ka bedelay oo u bixiyey Salaaxu diin iyo qeybo badan oo ka mid ah xaafada Suuqa Xoolaha ayadoo goobahaasi dhamaanba ay xaqiijiyeen Amnigooda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanno ku yaala duleedka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxaana koox wariyeyaal ah oo ka socday Warbaahinta Qaranku tageen deegaanno howd ah oo ka baxsan qabuuraha Sheekh Cali Cabdulle oo dhacda duleedka Waqooyi ee degmada Kaaraan halkaasi oo Saraakiil ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ay kula hadleen Warbaahinta Qaranka

Marka laga hadlayo Qasaaraha ka dhashay howlgalkii maanta ayaa ahaa mid aad u kooban waxaana inta aan xaqiijinay dagaalka ku geeriyooday Afar ka mid ah Maleeshiyada kooxda Shabaab kuwaasi oo aan ku kala aragnay degmada Hurwaa oo seddax ka mid ah meydadka ay yaaleen iyo meyd aan isna ku aragnay agagaarka Isbitalka SOS.

Intii aan ku sugneyn goobaha dagaalka waxa aan aragnay Maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab oo ay Ciidammada Qalabka Sida si farsameysan kusoo qabteen ayaga iyo hubkii ay ku dagaalamayeen waxaana laga soo qabtay gudaha degmada Hurwaa kuwaasi oo aan Sawirro idinkaga soo qaadnay.

Saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa waxa ay nawaaxiga Isbitalka SOS kusoo bandhigeen Hub isugu jiray qoryo gacmeedyo u badnaa AK47 iyo rasaasta qoryaha ayadoo sidoo kalena Qabuuraha Talyaaniga lagu soo bandhigay Qoryo ay ku jiraan qoriga loo yaqaan Rbg oo ay Soomaaliduna u taqaan Sewen iyo rasas kuwaasi oo ay Maleeshiyada Shabaabku halkaasi kaga carareen.

Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada saakay laga xureeyey kooxda Shabaab ayaa si aad ah usoo dhoweeyey Ciidammada Qalabka Sida ee ka dul qaaday Heeryada gumeysiga Madow oo mudo Seddax Sano ku dhow dadka deegaanadaasi ku dhow dhibaatooyin ku hayey waxaana Ciidammadu ay soo dhoween wanaagsan kala kulmeen Shacabkii Dulmanaa waxaana deegaannada la xoreeyey guud ahaan ka jira dareen farxadeed.

Source Radiomuqdisho

Maakhir Media Muqdisho

 

 

Comments are closed