Sirdoonka Somaliland oo qabatay Mid kamida Ragii ka danbeeyay Afduubkii Labadi Nin ee udhashay Franceska ahaaI
Ciidamada booliiska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu ka mid ahaa raggii afduubka u geystay labo nin oo u dhalatay dalka Faransiiska oo ahaa khubaro militari kuwaasi oo 14-kii July 2009 laga afduubay hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Mid ka mid ah saraakiil Somaliland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ninkan la qabtay uu ka tirsanaa kooxdii burburtay ee Xisbul Islaam ee uu hor ka caayay Xassan Daahir Aweys, isgoo xusay in ninkaani la qabtay maalinimadii Sabtida, isagoo qorsheynayey inuu u sii tallaabo meelo kale oo ka mid ah wadamada deriska lah Somaliland.
Dhanka kale, wararka naga soo gaaraayo magaaladda Hargeysa ayaa sheegaya in diyaarad laga leeyahay dalka Faransiiska oo ay la socdaan saraakiil sirdoon ah ay soo gaartay garoonka Hargeysa, si su’aalo ay u weydiiyaan ninkaan ay qabteen ciidamada Somaliland.
Bishii July ee sanadka 2009-ka ayeey aheyd markii maleyshiyada Al-Shabaab ay afduub u geysteen labo nin oo u dhalatay dalka faransiiska oo ahaa khubaro miletari ah oo ku sugneed hotelka Saxafi ee magaalada Muqdishi ee dalka Soomaaliya.
Maakhir Media Hargaysa
