Dibid bixi maanta muqdisho iyo M/Sharif oo Qudbad ka jeediyay(Dhagayso+Sawiro)
Podcast: Play in new window | Download
Isu soo baxan oo ahaa kii ugu weynaa oo muddooyinkan ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa ka qeybagalay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horreeyaan ardayda, waalidiinta ayaa waxa ay socod ku soo mareen qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku qeylinayay halku dhigyo ka dhan ah malleeshiyaadka Al- Shabaab.
Dibadbaxayaasha oo markii dambe isugu soo ururay garoonka kubbadda cagta ee Koonis ayaa waxaa halkaasi kula hadlay mas’uuliyiinta ugu sarreeysa dowladda oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Shariif R/wasaare C/weli, wasiirro Xildhibaanno saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiinta gobolka.
Gdudoomiyaha G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay gumaadka ay shacaka ku hayaan kooxda Khawaatijta isagoo dhanka kale rajo wanaagsan ka muujiyay in shabaab ay baxayaan.
Wasiirka wasaaradda Cadaaladda,awqaafta iyo arimaha diinta Ugaas Bile oo madax u ah guddi uu madaxweynuhu u magacaabay sidii ay u daryeeli lahaayeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ardayda lagu laayay oo halkaasi ka hadlay ayaa warbixiyay xaaladii dhaawacyada la qaaday.
Ugaas Bile ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay qaaday 36 ka mid ah dhaawacyadii ugu darnaa oo ay ay wehliyaan 36 kale oo eheladooda ah, wuxuuna tacsi u diray arday geeriyooday markii la qaaday kadib kaas oo lagu magacaaboAsad Cabdi Saciid, lix ka mid ah dhaawacyadaasi ayuu sheegay in xaaladuudu ay aad u liidato.
Banaabaxan oo ahaa mid looga soo horjeedo Xasuqii loo gayaytay Ardaydii iyo Dadkii shacabka ahaa kuwaasi oo lagu laayay qaar kalena lagu dhawacay kadib markii Al-shabaab ay qarax la eegatay Wasaaradii haragaha iyo samaha oo dadka iyo ardaydu ay joogeen qaar kale oo shacabana ay marayeen wadoyinka.
Maakhir Media Muqdisho.
