|

Raysal wasaare C/wal oo dalka dib ugu soo laabatay isla maantana banaabixi ka jeediyay Qudbad+Dhagayso

Play

R/wasaaraha dalka C/weli Maxamed Cali “Gaas” oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka qeybgalay dibad bax ballaaran oo ay ka qeybgaleen shacabka Muqdisho, kaas oo ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin xasuuqa ay shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dr.C/weli R/wasaaraha dalka oo garoonka kubbada cagta ee Studio Konis kula hadlay shacabka Muqdisho ayaa marka hore shacabka iyo waalidiinta uga tacsiyeeyay xasuuqii ay khawaarijtu u geeysteen ardayda Soomaaliyeed ee wax u soo baran laheyd dalka iyo dadkooda.

R/wasaaraha ayaa ku guubaabiyay shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan kooxdan banneeysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah isagoo ku dhiirigeliyay in kooxdaas ay meel kasta kula dagaalamaan, waxa uuna ku celceliyay in shacabku muujiyaan midnimo iyo isku duubni.

Ugu dambeyntii R/wasaarahu waxa uu dowladda Turkiga uga mahadcelyay gurmadka ballaaran oo ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed, iyo sida ay u daryeeleen dadkii ku dhaawacmay xasuuqii ka dhacay xaruntii harkaha iyo saamaha oo uu sheegay in uu soo eegay kuna farxay markii uu arkay iyadoo ay dhismo ku socoto.

RadioMuqdisho

Maakhir Media

Comments are closed