|

Puntland oo canbaraysay Socdaalkii Madaxwaynaha Somaliland Magaalada Laascaano

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu canbaareeyey Imaatinka madaxweyne Siilaanyo ee magaalada Laascano , waxaana lagu sheegay in faragelinta aySomalilandku hayso gobolada Sool iyo Sanaag .

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay isaga iyo wefdi uu hogaaminayo ay magaalada Laascaano soo gaareen ayaa sidoo kale intii uu halkaas ku sugnaa booqday degaanaka Gambara oo ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland, islamarkaana qiyaastii 18km u jirta Jiidda hore ee ay ku sugan yihiin ciidamda daraawiishta Puntland.

Ugu danbayntii xukuumada Puntland ayaa ugu baaqday dowladaha iyo maamulada kale ee deriska la ah Puntland inay il gaar ah ku eegaan faragelinta  uu maamulkaSomaliland  ku hayo deegaanada Puntland ,taas oo lagu tilmaamay inay tahay mid khal khal gelin karta nabada iyo xasiloonida gobolka.

Warkan kasoo baxay dowlada Puntland ayaa yimid Kadib markii uu shalay Socdaalkiisi ugu  horeyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool uu soo gaarey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) halkaas oo intii uu ku sugnaa uu si kooban ugula hadaly qaybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi ku dhaqan.

Gobolada Sool iyo Sanaag ayay isku haystaan Labada Xukumadood iyagoo midba midka kale uu ka riixayo Haysashada Goboladaasi laakin Gobolka Sool waxaa u gacanta ugu jiraa Somaliland ,iyadoo Gobolka Sanaagna ay qayba kamid haystaan labada dhinac taasi oo keenta marmarka qaar in ay iskuba dhacaan.

Maakhir Media Garowe

 

Comments are closed