|

Banaanbax Aad u xoogan oo Lagag Soo Horjedo Qaraxi Dadka badani ku dhinten ee W/Hargaha iyo Samaha oo Muqdisho ka socda

War iminka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Banaan baxa aad u wayn oo lagaga Soo horjeedo qaraxii 4 bishan ka dhacay wasaaradii hore ee Hargaha iyo Saamaha ee ay dad badani ku dhinteen ayaa hada kasocda magaalaada.

Dadkanui Banaabaxayaa Dareenkoda kusoo bandhigay siday uga xunyihiin  xasuuqii ka dhacay  maalintii dhawayd wasaaradii Hargaha kaasii oo ay xarakada Shabaab qarax la eegatay arday iyo dad shacab ah dhimasho badan iyo dhawacna halkaa ka dhacay .

Banaan baxan oo ay isugu soo baxeen kummanaan dadka reer Muqdisho ayaa waxaa uu ka socamayaa  garoonka ciyaaraha ee Stadio Koonis ee degmada C/casiis  waxaana banaan baxaasi oo loogu magac daray maalinta Dhiillada dadka Soomaaliyeed kaddib xasuuqii dhawaan loo geystay dadka shacabka iyo arday Soomaaliyeed kaasi oo ay ku faantay Khawaarijta Shabaab.

Waxaa kala qayb galay dadkan banaabaxay masuuliyin ka tirsan Dawalda,Maamulka  Gobolka Banaadir kuwaasi ooo ay dadkani ka dhiilaysan yihiin wiixi  ka dhacay goobtii qaraxa iyagoo aad u murugaysan ayay ka soo horjeedaan Kooxda Alshaab.

Banaabaxan oo ay dad badani ka qayb qaadanayaan ayaa imaanaya markii Alshabaab qarxisay wasaradi hore Ee Saaamaha iyo Hargaha magaalada muqdisho taasi oo ay dad badani ku dhinteen ,waxaa sidoo kale aad uga xumaaday wadamada caalamka kuwa muslimka ah iyo kuwa Reer galbeedka ah kuwaasi oo tilmaamay in ay tahay arin murugo Xanbaarsan.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed