Roobabki Dayta oo ka bilaabmay Qayba kamida Gobolada Puntland
Waxaa ka da’ay Gobolada puntland qayba kamida Robkii Dayta iyadoo ay si aada loogu dirsaday waxaana kamid ahaa Gobolka Nugaaliyo Gobolka Mudug .
wararka ku saabsan Roobabka ayaa sheegaya in uu ka day magaalada Garowe maalintii shalay Roob aad loogu diirsaday iyadoo Roobkaasi ahaa mid aad u biyo dhigay daafaha magaalada sidoo kalena ay ku doogsadeen deegaanada ku teedsan Garowe.
Sido kale Roob aad loogu diirsaday ayaa ka da’ay Gobolka Mudug kaasi oo ay aad ugu farxeen dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool Gobolkaasi,waxaan wararku intaasi ku darayaaan in u aahaa Roob aad u biyo dhigay deeganada .
Roobabka Dayta ayaa meela badan oo Gobolada dalka ka mida ah ka day waxaana uu ka day sidoo kale Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal iyadoo uu gooba kale ka da’ay Roobkani.
waxaa bilaabatay Wakhtigii Dayrta iyado ay Roobab badanina ay da’ayaan kuwaasi oo ka day qayba kamida Gobolada Puntland.
Maakhir Media Garowe.
