Dawlada wadanka Kenya ayaa Soo dhoobtay xadka aya lawadaagto Somaliya Ciidan
Wararka ka soo baxay wadanka Keniya ayaa sheegaya in Dawladu ay ciidamo badan soo Dhoobtay Xadka ay la wadaagto Somaaliya iyadoo ay taasi ku macneeyeen in halkaasi ay ka baqayaan Falal amaan daro oo kaga yimaada .
Dowladda ayaa ciidamo kuwa milatariga ah soo dhoobtay xadka ay la wadaagto gobolka Gedo Soomaaliya iyadoo ciidamadaasi ay howl gallo ay sameeyeen ay ku soo qab qabteen dad lagu tuhunsan yahay in ay ammaan darro ka shaqeeynayeen.
Sidoo kale ciidamada ayaa la sheegay in ay gaareyn degmooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera oo labada ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya, howl gallo ay sidoo kale ciidamada milatariga dowladda Kenya ay ka sameeyeen xadka ayaa waxaa ka qayb qaadanayay diyaaraddo kuwa dagaalka oo la arkayay iyaga oo gaaf wareegaya meellaha uu howl galka ka socday.
Warar qaar ayaa sheegaya in ciidamo France-s ah in ay howl galka ciidamada Kenya ay qayb ka ahaayeen iyadoo aan la sheegin howl galkaasi sababta ka danbeeysa iyadoo warar hoose ay tilmaamayaan in uu yahay ammar ka soo baxay madaxda sare ee dowladda Kenya
Soo dhoobida ciidamda Dalka Kenya Xadka labada dal ayaa imaanaya Kadib Qaraxii waynaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad badan iyo Arday imtixaankoodi eeganaya ,iyadoo dad badan naxdin ku abuurtay taasina ay keentay maanta in cidamada Badan laso dhoobo xadka labada dal u dhexeeya.
Maakhir Media Gedo
