|

Taliyihii Ciidamada SPU ee ilaalada Haayadaha oo u Geeriyooday dhawaci Shalay loo Gaystay

Waxaa magaalada  Gaalkacayo xalay saqdii dhexe ku geeriyooday Taliyihi Ciidamada ilaalada Hayadaha SPU Mursal xaaji Saleebaan oo barqadii shalay ay ku dhawaceen dablay hubasan  isagoo maraya xaafada Afar Hirdood ee magaalada Bosaso isaga iyo mid ka  mida ilaaladisaa .

Taliyaha alla ha u naxariistee markii shalay dhawaca loo gaystay ayaa loo qaaday magaalada Gaalkacayo iyadoo ay qaaday Diyaarad khaas ah,Taasi oo ay shalay galin kii danbe la geeyay Cisbitaalka Magaladaasi,Kadib waxaa uu saqdii dhexe ee xalay u geeriyooday dhaci halista ahaa ee ay dablaydaasi u gaysteen .

Waxaa kaloo ay wararku Sheegayaan in la qabatay dadkii falkani Geestaan sid ay shegeen saraakiisha ciidanka Poliska Bosaaso .

Sahalay Galinkii Hore ayay ahayd markii Dablay Hubaysani ay dhawac u gaysteen taasi oo keentay in uu xalay  u geeriyoodo kaasi oo uu ahaa dhawac halis ah,waxaa tacsi u diraya  eheladii iyo qaraabadi uu ka geeriyooday Alla ha unaxaristeen Talihi ee SPU Mursal Xaaji saleebaan Dhamaan Saraakisha Ciidanka puntland.

Maakhir Media Gaalkacayo

Comments are closed