|

Magalaada Bosaso oo ay ka taagan tahay Hilib la’aani

Wararka ka imaanaya magaalada Bosaso ayaa sheegaya in ay ka taagan tahay hilin la’aani iyadoo ay shegeen dadku ku nool magalaadaasi.

Sida ay noo sheegen shacabku Bosaso  waxaa gabi ahaanba magaalada aad looga dareemay hilib la’aan xoogan  taasi oo ay sabab u tahay ayay dhaheen kadib  markii la joojiyay ka ganacisga suuqa  Bosaso ee Hilibka .

warar kale ayaa sheegaya in shirkada dhismaha ee ka hawl gasha Bosaso ay bilowday in ay la wareegtyo goobaha hilibka lagu iibiyo taasi oo ay ku macnaysay in  ay u samaynayso goob Hilibka nadaafadiisa lagu ilaaliyo ,waxay taasina caqab ku noqtay dadkii hilibka suuqa ku gadi jiray.

Bosaso oo goob walba lagu qalijiray Hilibka ayaa maanta waxaa ka taagan hilib la’aan iyadoo dadkii ku noolaa magaalada ay aad uga xumaadeen iyadoo ay shegayaan in aanayba haysan waxay  cuntada ku macaaniyan ,wararka ayaa sheegayaa  in  aad looga soo  horjeedo mashruucan ay wado shirkada Tawfiiq ee ay doonayso inay kula wareegto kawaanka Hilibka Bosaso.

Suurta gal ma tahay in Shirkaadaasi la wareegto Ka ganacsiga Hilibka dadku se raali ma ka yihiin ,jawaabta oo dadka laga dhex helayaa waxay u madantahay MAYAAA taasi oo keentay in dadka qaar ayba ku xidhnaayeen Qutal daruurigoda iyagoo sheegay in aanay kama maarmayn .

Bosaso waxaa shaqsi waliba uu kaga  kanacsan jiray xaafada Bosaso Hilibka iyadoo ay ka faaidaysan jiraan dadka ku nool xaafadahaasi.

Maakhir Media Bosaso

Comments are closed