Wararka Sports-ka Maakhir iyo Maanta
Hargeysa (Maakhir Media) DHamaan Asxaabta maakhir Media kusoo dhawaada wararkii ugu danbeeyey ee ciyaaraha Kubadda Cagta ee maanta Soogaaray Warqabadka Maakhir.net
Qodobadda ugu waawayn waxaa kamid ah.
- Natiijooyinka Ciyaarihii Isreebreebka Euro 2010.
- Natiijooyinka Ciyarihii Isreebreebka Fifa World Cup 2014 eeLatin America.
- Wararka Horyaaladda iyo Naadiyada Yurub.
- Iyo Waliba wararka Ciyaarhanadda ugu caansan Qaaradda Yurub.
Qodobka Koowaad: Gudoomiyaha Kooxda Arsenal oo sheegay in uusan ciyaaryahanno soo iibinayn bisha koowaad, aysanna u baahnayn in ay ku guulaystaan Koobka Champion League.
Guddomiyaha Kooxda Arsena Evan oo u waramay saxafadda laba wakhti oo kala duwan ayaa ku hadlay laba hadal oo aan marna laga filayn in uu hawada u mariyo tageeryasha kooxda Arsanal.
Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa hore ku sheegay in kooxda Arsenal ay haatan waxba uga baahneyn koobka Champion league, isaga oo sheegay in tartannada kale ay ku filanyihiin in ay ku tartamaan.
Arsenal oo aan horay koobkan ugu guulaysan isla markaasina ka mid ah kooxaha reerLondonee u haraadan Champion league, ayaa hadalka gudoomiyaha naadigu waxa u kadhaigayaa mid aan marnba farxad galin taageerayasha naadiga.
Isla hadalke oo gudoomiyahaasi jeediyayna waxa uu kusheegay in suuqa soo socda ee bisha January uusan ciyaaryahanno cusub kusoo biirinayn kooxda Arsenal isaga oo sheegay in aysan xal u ahayn Iib oo kaliya kooxda Arsenal.
Hadaba Suaasha iswaydiinta lehi waxa ay tahay maxa uu yahay xalka kale uu guddomiyahaasi u hayo kooxda Arsenal.
Qodobka Labaad: Ciyaaryahanka Weyn Rooney oo si anshax darro ah ku mutay kaarka Cas, kadib ciyaartii dhexmaratay xulkiisa iyoMontenegro.
Ciyaaryahanka khadka weerarka uga ciyaara qaranka England Weyne Rooney ayaa loo taagay kaarka cas ciyaar dhex martay xulkiisa iyoMontenegrooo kudhamaatay 2-2.
Rooney oo si ula kac ah gadaal uga laaday ciyaaryahan kasoo horjeeda ayaa ku mutay kaarka cas, iyada oo lafilayo in laganaaxo 3 kulan oo ka tirsan ciyaaraha Euro 2012.
Tababaraha England iyo saxaafadda dalkaasi ayaa ad uga yaabay anshaxa Rooney, iyaga oo sheegay in ay layaabanyihiin anshaxa xumada Rooney marka uu u ciyaarayo qarankiisa, iyaga oo tusaale u soo qaaday ciyaartii England iyo Portugal ee falkaasi oo kale ku kacay.
Hase ahaatee ciyaaryahanka ayaa falkani ka bixiyay raali galin, isaga oo sheegay in arintani ay u dhacday si khalad ah.
Tababaraka QarankaSpainee hantay koobkii adduunka Mudane Del Bosque oo la hadlayay saxaafadda kadib kulankii Czech iyoSpainayaa tilmaamay in uu ku faraxsanyahay in ciyaaryahanka Poyoul oo dib ugu soo laabto garoomada.
Waxana uu sheegay in uu sidoo kale ku faraxsanayahay qaabkii uu u ciyaaray Fernando Torres hafkii hore ee ciyaartaasi isaga oo sheegay in uu muujiyo dulqaad tan iyo inta uu ka helayo fursad uu ku dhaliyo goolal.
Tabababaraha ayaa ugu danbayntii u mahad celiyay ciyaarhanaddiisa, isaga oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyihay in xulkiisa uu usoo baxo koobka Qaramada Yurub ee xagaaga soo socda la qaban dono.
Qodobka Afraad Natiijooyinka Ciyaarihii Isreebreebka Euro 2010.
Euro 2012 - Group A (qualifiers)
October 7
FT Azerbaijan 1 – 4 Austria
FT Turkey 1 – 3 Germany
FT Belgium 4 – 1 Kazakhstan
Euro 2012 - Group B (qualifiers)
October 7
FT Armenia 4 – 1 Rep. ofMacedonia
FT Slovakia 0 – 1 Russia
FT Andorra 0 – 2 Rep. ofIreland
Euro 2012 - Group C (qualifiers)
October 7
FT Northern Ireland 1 – 2 Estonia
FT Serbia 1 – 1 Italy
Euro 2012 - Group D (qualifiers)
October 7
FT Bosnia-Herzegovina 5 – 0 Luxembourg
FT Romania 2 – 2 Belarus
FT France 3 – 0 Albania
Euro 2012 - Group E (qualifiers)
October 7
FT Finland 1 – 2 Sweden
FT Holland 1 – 0 Moldova
Euro 2012 - Group F (qualifiers)
October 7
FT Latvia 2 – 0 Malta
FT Greece 2 – 0 Croatia
Euro 2012 - Group G (qualifiers)
October 7
FT Wales 2 – 0 Switzerland
FT Montenegro 2 – 2 England
Euro 2012 - Group H (qualifiers)
October 7
FT Cyprus 1 – 4 Denmark
FT Portugal 5 – 3 Iceland
Euro 2012 - Group I (qualifiers)
October 7
FT CzechRepublic 0 – 2 Spain
22:37 October 8
FT Liechtenstein 0 – 1 Scotland
Qodobka Shanaad Natiijooyinka Ciyarihii Isreebreebka Fifa World Cup 2014 eeLatin America.
World Cup qual. -South America
October 7
FT Uruguay 4 – 2 Bolivia
FT Ecuador 2 – 0 Venezuela
FT Argentina 4 – 1 Chile
FT Peru 2 – 0 Paraguay

