Madaxwaynaha Somaliland ayaa maanta Gaadhay Magaalada Laascaanod Ee Gobolka Sool
Madaxwaynaha Somaaliland Axmed maxamed maxamud Silaanayo ayaa saaka Hiirtii waabari gaadhay magaalada Laascaanod ee Gobolka sool isagoo halkaasi si wayn loogu soo dhaweyay.
Madaxwaynaha ayaa saaka ka anba baxay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer oo uu shalay gaadhay isaga iyo wafdi balaadhan uu hogaaminayo.
Madaxwaynaha ayaa kadib Booqday socdaalkiisii Goobaha dawlada sidoo kalena waxa uu la hadlay shacabka reer laascaanood isagoo kulamo kala gadisan la qaatay laamaha amaanka iyo masuuliyiinta Gobolka iyo kuwa degmada .
Sidoo kale Hotelka Xamdi ee madawaynuhu ku degeya ayuu kula kulmay qaar kamida culimada iyo wax garadka magaalada isagoo kadiban uga waramay socdaalkisan isagoo sheegay in uu u yimi dadkiisa doonayona inuu kala hadlo amaanka magaalada iyo Gobolkaba.
Madaxwaynaha ayaa waxa uu sidoo kale aaday Jiida hore ee ciidanka Somaliland halkaasi oo uu salaam sharaf kaga soo qaatay khudbad kala gadisan oo dhiiri galinana kaga soo jediyay isagoo sheegay in xuduudaha Somaaliland la ilaaliyaaa ay tahay muqadas isla marakaana uu sheegay in aanu Gar daro ugu duulay Dadka ay jaarka yihiin
Gaba gabdii socdaalkiisai Gobolka sool waxaa uu dib ugu soo laabtay magaaalada Burco ee Gobolka Togdheer isagoo kala hadlay arimo badan oo amaanka iyo dibu dhiska dalk.
Maakhir Media Laascaano
