|

Maydad Horleh oo laga Helay Goobtii Qaraxu Ka dhacay ee Wasaaradi Hargaha iyo Samaha

Waxaa maanta  xaruntii Hore ee Hargaha iyo Saamaha ee uu dhawaan ka dhacay Qaraxii aragagaxa badnaa  kaasi oo ay ku dhinteen dad badani laga helay maydad gaadhaya sadax kuwaasi oo ay is badaleen jidhkoodii.

Ciidamda DKMG ee Somaaliya ayaa maanta  halkaasi ka bilaabay hawlo nadaafadeed iyagoo ay ka gurayeen burburkii iyo qashinkii goobta uu dhigay qaraxii baaxada waynaa .

Kadibna waxay  heleen maydadkan gaadhaya sadaxda sida uu sheegay mid kamida  saraakishii hawsha nadaafada ka haysay Goobtaasi “Waxaan Goobta ka helay qaraxu ka dhacay sadex mayd anagoo wadna hawl nadaafadeed oo aanu  ka wadnay Meeshan”Sidaasi waxaa yidhi mid kamid saraakishi Goobta joogtay.

Wasaaradii hore ee Hargaha iyo Saamaha oo 4 bishan ay ka dhacday dhacdo aad u murugo wayn  ayaa maanta laga helay sadex mayd  ah oo kamida dadki qaraxii ay Al –Shabaab la beegsatay ku dhintay iyadoo ay dad kalena ku dhinteen kuwa kalena ku dhawacmeen oo isgu jiray dad rayida iyo arday .

Maakhir Media Network

Comments are closed