Baarlamanka DKMG ee Somaaliya ayaa maanta Baabiiyay Heshiiskii Bada Somaliya
Kulankan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha baarlamanka oo lagu qabtay xarunta golaha shacbiga ayaa waxaa isugu yimid 335 mudane waxaana shir guddoominayay ku simaha afhayeenka baarlamanka ahna ku xigeenka 1 aad ee Afhayeenka Cabdi weli Ibraahim Sh muudeey iyadoo diiradda lagu saarayay dood ku saabsaneyd xadeynta badda Soomaaliya.
Mudanayaasha oo dooddooda u muuqatay kuwa ka mideysan sida ay uga soo horjeedaan in la xadeeyo mar kale xuduudaha badeed iyo kuwa dhulka ee Soomaaliya ayaa waxa ay soo jeedinayeen inaan marnaba laga hadlin wax ku saabsan dhanka xadka oo horay looga diiwaangeliyay hay’adaha caalamiga ah.
Xubnaha baarlamanka ayaa waxaa talooyinkii ay soo jeediyeen aqriyay Xildhibaan Cumar Islow oo hoosta ka xariiqay in talooyinkaasi lagu soo koobay 6 qodob oo muhiim ah waxa ayna kala ahaayeen.
1.in lagu dhaqmo sharciga badda Soomaaliya ee la dajiyay sanadkii 1988 dii
2.in hay’adaha dastuuriga ah sida Madaxtooyada Baarlamanka iyo xukuumadda aysan awood u lahaan in ay wax ka bedelaan ama dib u eegis ku sameeyaan Xad badeedka Soomaaliya.
3.Waxaa la laalay ama la buburiyay dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii caalamiga ahaa ee lala galay hay’ado, dowladaha deriska ah iyo ururro caalami ah islamarkaana ku saabsanaa dhanka xadeynta badaha oo la gaaray wixii ka dambeeyay 1da bishii janaayo sanadkii 1991kii.
4. xadgudub kastaa oo loo geysto badaha Soomaaliya waxaa loo aqoonsanayaa duulaan bareer ah oo lagu soo qaaday qarannimada iyo siyaasada Soomaaliya.
5.Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka waxaa la farayaa in ay go’aankaan gaarsiiyaan dhamaman dowladaha deriska ah iyo hay’adaha caalamiga ah.
6.Cid walba oo ku xadgudubta waxa ay galeysaa dambi ah Khiyaanno qaran.
Intaasi kadib ayaa waxa uu Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob ee la soo jeediyay waxaana ogolaatay 355 oo ah xubnihii maanta soo xaadiray madasha fadhiga.
Sidoo kale C/weli Muudey ayaa ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya in ay si degdeg ah baarlamanka u horkeento heshiisyadii ay la soo gashay hay’adaha caalmamiga ah iyo dowladaha caalamka qaarkood.
Meel marinta Baarlamanka uu maanta ka soo saray go’aan in bada Somaliy aan la xadayn markale ayaa waxa uu socday mudooyinkii danbe taasi oo ay kulamo ka yeelanayeen Baarlamanka DKMG ee Somliya.
Maakhir Media Muqdisho
