Ciidamada dowlada oo maanta howlgal ka sameeyey KM4
Ciidamo ka tirsan dowlada kmg ah ee soomaaliya ayaa maanta howgala amaanka lagu adkeenayo waxa ay ka sameeyeen qeybo ka mid magaalada muqdisho.
howlgaladaan ay wadaan ciidanka dowlada ayaa ah mid amaana lagu xaqiijinayo waxaa ciidamo ku labisan diriiska booliska oo aad u badan lagu arkayey maanta isgoysyada KM4 iyo kuwo kale ee magaalada caasimada muqdisho.
arinta baaritaanada ay sameenayaan ciidanka boliiska soomaaliya ayaa lagu micneeyey in lagu adkeynayo amaanka waxaana sarakisha booliska ay hore u sheegen in howlgalkani socon doono.
afaheen uhadlay ciidanka amaanka soomaaliya ayaa shegay in howlgalkani lagu baarayo dadweynaha iyo gawaarida noocyadooda kala duwan oo dadku wataan ee magaalada.
dhawaan ayey aheyd markii al-shabaab ay weerar ay u soo adeegsaden baabuur xamuul ah ay kusoo qaadeen wakaaladii hore ee hargaha iyo saamaha dad badanina ku geeriyoodeen.
Ibraahim guudle isxaaq
Maakhir Media Muqdisho
