Ardayda Dugsiga Sare ee Al Furqaan oo Soo bandhigay Hidaha iyo Dhaqanka Somaliyeed
Ardayda dugsiga sare ee al-furqaan ayaa galabta xaflad ku qabtay barxadda dugsigooda , waxayna ugu magac dareen (Todobaadka Dhaqank), hawshan ayaa ahayd mid muddo laga soo shaqaynayey, iyadoo meesha lagu soo bandhigay alaabooyin kala duwan oo muujinaya aqal soomaaligii iyo farsamadii haweenka soomaaliyeed.
Barxadda dugsiga ayaa waxa laga dhisay aqal soomaali aad u qurux badan kaasoo loo dhamaystiray waxyaalihii uu u baahnaa , sidoo kale hablaha ardayda ah qaarkood ayaa soo xidhay dharkii hiddaha iyo dhaqanka ee lagu yaqaaney haweenka soomaaliyeed .
Xafladdan oo ay kasoo qayb galeen maamulka degmada , waalidiinta, maamulka dugsiga , ardayda dugsiyada kale , aqoon yahanno , iyo qaar ka mid ah qurba joogta ayaa waxa soo agaasimey ardayda fasalka 3aad ee dugsiga sare ee Al-Furqaan , waana sanadkii 2aad ee barnaamijkan ay soo bandhigaan ardaydu .
Sidoo kale waxay soo bandhigeen majaajilo ay ku muujinyaan dhallinyarada dhaqamada kale la dhacsan iyo sida ay u fool xun yihiin, iyo waxa la gudboon bulshada si loo badbaadiyo dhallinyarada Soomaaliyeed, maansooyin iyo khudbado kala duwan .
Waalidiinta ayaa dhankooda ubaxa soo koraya xasuusiyey dhaqankeennii wanaagsanaa ee bulshada Soomaaliyeed,waxayna uga mahad celiyeen bareyaasha uu ugu horreeyo Ustaad Cali Xuseen Soomaali iyo ardaydiisa sida ay barnaamijkan usoo bandhigeen .
iyaga oo ku boorriyey aqoon yahanka iney arintan ka caawiyaan. Ardaydii khudbadaha jeedisey ayaa waxa ka mid ahaa Maxamed Xasan Cabdi oo maanso jeediye , C/raxmaan Maxamed Muuse iyo C/risaaq Siciid Faarax dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxa ka mid ah : Axmed Shiikh Saalax, Siciid Maxamed Ismaaciil ( Goodir ) , Maamulaha iskuulka C/casiis Axmed Saalax, Sucaad Xasan Carraale , Faadumo Axmed Dhahar, Siraad Dhillood Ibraahim, iyo Guddoomiye ku xigeenka golaha degaanka marwo Zaynab Cabdi Aar oo kulanka soo geba-gebeysey.
Maxamuud Ciyoon / Badhan
Maakhir Media Sanaag
