Ra’isulwasaare C/weli Oo La Kulmay Dhigiisa Ethiopia
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo jooga Addis Ababa ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi waxaana Labada Ra’iisul Wasaare ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, arrimaha amniga, abaaraha iyo xaaladda dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi ayaa ugu horreyntii u tacsiyeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed falkii lagu laayey dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan oo ay u badnaayeen arday iyo waalidiintooda falkaas oo ka dhacay Muqdisho Afartii bishan October.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa u mahadceliyey dhigiiisa Melez Zanawi sida quruxda badan ee loogu soo dhoweeyey dalka Ethiopia gaar ahaan magaalo madaxda Addis Ababa.
Labada Ra’iisul Wasaare oo waqti dheer isla qaatay una wada hadlay si saraaxad ah ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiimsanaayeen Amniga, Abaaraha iyo sidii Dowladda Soomaaliyeed looga saacidi lahaa dhaqangelinta Roadmap kii ay Soomaalidu wada saxiixdeen 6dii September waxaana Labada mas’uul ay sheegeen in horumarka laga sameeyey amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta loo baahanyahay in horey loo sii wado ayadoo dhanka kalena labada Ra’iisul Wasaare ayaa isla garteen in laga wada shaqeeyo dhanka amniga iyo abaaraha oo shacabka soomaaliyeed la gaarsiiyo gar-gaarka bani’aadanimo.
Waa markii ugu horreysey ee uu Ra’iisul Wasaare Prof Abdiweli Mohamed Ali soo gaaro Addis Ababa tan iyo intii uu la wareegey xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlayey wariyeyaasha Ethiopia ka dib kulankii labada Ra’iisul Wasaare ayaa wuxuu saxaafadda u sheegay in kulankoodii uu ahaa mid guul iyo is-afgarad ku dhamaaday, isla markaana looga wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa amniga geeska Afrika iyo sidoo kale arrimaha abaaraha.
Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay in falkii waxashnimada ahaa ee Al-Shabaab ku dileen ardaydii Soomaaliyeed inuusan niyad jab u keeneynin dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in la sii xoojinayo dadaalada kooxaha Al-Shabaab looga sifeynayo dalka Soomaaliya.
Radio Muqdisho
Mursal Cabdi daahir
Maakhir Media Adis Ababa

