|

Dalada kaafi iyo Dawlada hoose ee Hargeysa ayaa markii ugu horaysay soo bandhigay mashruuc lagaga hortagayo inuu balaadho Dooxa Caasimada Hargeysa.

Mashruucan oo ah kii ugu ee noociisa ah ee laga fuliyo Magaalada Hargeysa ayaa  qorshaha looga danleeyahay waxa uu yahay  si loo xakameeyo fiditaanka Dooxa weyn ee dhex mara Caasimada Hargeysa, oo marba marka ka dambeysa balaciisu sii fidayo.

Maayirka Caasimada Hargeysa, Xildhibaano ka tirsan Golaha , Madaxda Dalada Kaafi, Maareeyaha Samafalka Madaxt ooyada iyo Masuuliyiin kale oo maanta Bilowgii Hawshan ka qayb qaadanayay ayaa  ka waramay  muhiimadda uu leeyahay Mashruucani iyo faa’iddooyin laga dheefayo.

Mustafe Aadan Cali  oo ka mida Saraakiisha Dalada kaafi ee Hawshan Fulinaysa ayaa Warbaahinta u uga waramay Mashruucan wax lagaga lagaga hortagayo inuu kordho Dooxu.

oo ku hadlayay  magaca dalada kaafi oo iyadu mashruuca qabanaysa isagoo tilmaamay in mashruucani uu dhiiri galin u yahay dhalin yarada iyo muwaadiniinta Somaaliland isagoo tibaaxay in biya xidheenkani uu sii socon doono kaasi oo maantabada shaqadii la bilaabay isagoo sidoo kale mustafe  ugu magacdaray  mashruucan Aqoon iyo iskaashi.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay maayirka magaaalada Hargaysa Xuseen  maxamuud jicir,,, isagoo ka War bixiyay   muhiimada uu leeyahay Gabyanka lagu xidhayo Dooxweyn ee Hargeysa.

matahay in laga shaqeeyaa dalka  muwaadin kasta  waxa kaloo uu u mahad caliyay  dalada kaafi oo iyadu  mashruucan fulinaysa isagoo sheegay in ay iskaashi bilaabi doonaa.

goobta waxaa kaloo ka hadlay masuuliyiin ka tirsan Golaha deegaanka xildhibaano  Gudoomikyaha samafalka madaxtooyada Aamina Maxamud ragaad iyo madax kale  waxaana ay dhamaan u mahad celiyeen Dalada kaafi iyadoo ay sheegen in ay tahay dalad  fir fircoon  oo dalka wax u qabanaysa iyadoo sheegen goobtan ay biyo xidheenka kawadaan ay tahay meel laf dhabar u ah  Magalaada Hargaysa Sabab too ah ayay dhaheen waxay inaga xidhaysaa biyihi xad dhaafka ahaa ee soo gali jir ay magaalada .

mashruucan biyo xidheenka ee lagaga xidhayo biyihii soo gali jiray h kaasi oo uu dooxu kusoo fatahi jiray magaalada iyadoo uu waxyeelo u gaysan jiray mashruucan ay fulinayso Dalada kaafi ayaa noqonaya mid muhiim u ah dadka halkaasi daegen iyadoo uu noqonayo kii ugu horeeyay  ee ay qabato daladani waxaan ay iska kaashanayaan dawlada hoose ee magaalaadfa hargaysa.

Maakhir Media Hargaysa

 

 

 

Comments are closed