|

Madaxwaynaha Somaliland oo La Filayo inuu Bari u an babaxo Burco

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inuu maalinta beri oo Jimce ah socdaal aan hore loo shaacin ugu kicitimo Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.

warar Hoose oo aanu ka helayno Masuulin ka ag dhadhow qasriga madaxtooyada Somaliland, ilaa imika lama garanayo u-jeedada safarka madaxweynuhu waxay salka ku hayso, hasayeeshe sida ay tibaxayaan wararka Aanu ka helayno madaxtooyada inuu salka ku hayo safarka madaxweynuhu xog-ogaal u noqoshada xaalada dhabta ah ee ka jirta Gobolkaasi iyo tabashooyinka bulshada ee dhinaca xukuummada.

war rasmi ahi kama soo bixin madaxtooyada Somaliland oo la xidhiidha safarka uu madaxweynuhu ku tagi doono gobolka Burco. Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Togdheer.

Maakhir Media Hargaysa.

Comments are closed