Dadkii Dhawaca ahaa oo gaadhay cawa Ankara iyo Masuuliyin Soo dhawaysay
Dadkii Dhibaatadu kasoo gaadhay Qaraxii lala beegsday ayaa caawa gaadhay caasimada dalkaasi ee Ankara iyadoo ay si aada usoo dhaweyeen masuuliyin ka tirsan Dawlada.
Abaare Lixdii Maqribnimo waqtiga dalka Turkiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalo madaxda dalka Turkiga ee Ankara ka degtay diyaaradii siday ku dhowaad 40 qofood oo ka mid ah dadkii ugu darnaa ee dhaawacyada halista ah ay kasoo gaareen Qaraxii Masiibada ahaa iyo eheladooda waxaana dadkaasi garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga.
Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey waxaa hogaaminayey Bakiir Bolda oo kamid ah Ra’isulwasaare kuxigeennada Dalkaasi ,Wasiirka Caafimaadka Dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo uu hogaaminayey sii hayaha Safiirka.
Saaka ayay ahayd markii ay ka anba baxeen magaalada Muqdisho iyadoo ay qaaday Diyaarad khaas ah oo ay leedahay wadankaasi Turkiga ,Shalay ayay ahady markii Raysal wasaaraha Turkiga uu balan qaday in dadka ugu daran ee qaraxaasi waxkasoo gaadheen la gayn doono wadanka Turkiga si halkaasi loogu soo daaweeyo.
Maakhir Media Ankara
