|

Boqolaal ruux oo ku geeriyooday duufanaha koonfurta Asia

Hargeysa -MMedia-Kudhawaad 400 oo ruux ayaa kugeeriyooday wadamadaThailandiyoCambodia, kadib duufaano halkaasi ku habsaday oo lagu tilmaamay in ay ahaayeen kuwii ugu xumaa ee muddo sanado ah soo mara labadaasi dal.

Kadib roobab aad u waawayn oo maalmo kada’ayay labada wadan ayaa geystay in haatan la ogyahay dhimashada 224 qof oo u dhashay Thailand, iyo 167 qof oo u dhashay wadanka Cambodia.

Afhayeen u hadlay ururka maaraynta masiiboyinka dabiicaga ah eeCambodiaayaa sheegay in tani ay tahay tii ugu xumay ee soomarta dalkiisa 10 kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo khasaaraha dhaqaale ay geysatay duufaanti ay kabadantahay tii kadhacday wadankii sanadkii 2000.

Dhinaca kale Saamaynta ay duufantan ku yeelatay wadanka Thailand ayaa ahayd mid aad  u daran, iyadoo duufantan ay saamaysay 58 degmo oo ka tirsan 77 degmo ee uu wadanku ka koobanyahay. Waxana si toos ah u baaba’ay ku dhawaad 25 degmo oo laga turinayo in aysan ku harin wax hoy ah.

Afhayeen isna u hadlay ururka ka hortaga masiibooyinka iyo barakaca ee dalkaThailandoo codsaday in aan lamagacaabin ayaa ka dhawaajiyay in duufantani ay tahay tii ugu xumeyd ee abid soo marta dadka reerThailand.

Waxana labada dawladood ay haatan xaalad adag ugu jiraan si ay uga samata baxaan dhibaatadan ba’an ee ku habsatay dadkaThailandiyoCambodiaoo saamaysay xaalada labada wadan.

Comments are closed