Lix ruux oo loo xiray in ay maleegayeen shirqoolka Hamit Karazay
Hargeysa -MMedia – Mid kamid ah ilaalada madaxweynaha Afganistan Hamit karazay iyo 5 ruux oo kale ayaa la xiray kadib markii lagu soo oogay in ay maleegayeen dilka madaxwayna Afganistan.
Kooxdan oo lasheegay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Xaqaani ee kadagaalanta wadanka Afganistan, ayaa waxa ay maleegayeen in ay toogtaan madaxwaynaha wadana Afganistan Hamit Karazay.
Sirdoonka wadanka afganistan ayaa maanta oo arbaca saxaafadda u sheegay in ay ka warheleen koox isku dayaysay shirqoolka madaxwayne Karazay, iyagana oo sheegay in ay wadaan baaritaano la xiriira arinkan, si ay u ogaadaan faahfaahinta shirqoolkan.
Kooxdan oo u muuqata in ay xilliyadan danbe ay kusii xoogaysanayso dalka Afganistan, ayaa waxa ay ku eedaysneyd falkii ka dhacay safaarada maraykanka ee Kabul oo ay sheegteen in ay iyagu soo maleegeen.
Hadii arintanna ay cadaato, waxaa soo kordhaysa khatarta kooxdan, xilli ay dawlada maraykanku ay isu diyaarinayso si ay u dhinto ciidamadeeda ka jooga wadanka Afganistan.
