Wararka Sports ka ee maanta ugu danbeeyey.
Hargeysa-MMedia- Kusoo dhawaada wararkii ugu danbeeyey ee kubadda cagta oo aad maalin walba kala socotaan Warbaahinta Maakhir Media. Wararka maanta Sports-kana waxaa ugu waa wayn:
Dhawaacyda kooxda Arsenal oo sii badanay iyo gool hayaha koowaad ee naadiga oo ku biiray liiska dhaawaca.
Iyada oo kooxda Arsenal ay ka cabanayso dhaawacyo aad u badan oo lasoo darsay tan iyo bilowgii horyaalka ingiriiska gaar ahaana khadka danbe, ayaa liiska dhaawaca waxaa ku biiray goolhaya koowaad ee Arsenal iyo xulka Poland Schenzy oo la filayo in uu kamaqnaado ciyaaraha soo socda.
Arsenal oo ay indhawaaleba aan u muuqan mid aad uwanaagsan tan iyo markii ay katageen ciyaryahanada Nasri iyo Fabregas, ayaa haddana waxa u weheliya arinkan dhaawacyada ciyaryahanada oo ugu danbeeyey ciyaryahanka khadka difaaca ee Bacry Sagna oo ku dhaawacmay kulankii Tottenham iyo Arsenal isaga oo lafilayo in uu garoonada ka maqnaado muddo saddex bilood
Halkan ka eeg liiska ciyaryahannada ka dhaawacan Arsenal
| Magaca | Dhaawaca | Kulanka uu ku dhawacmay |
| Bacary Sagna | Canqow/Odayka boohis | Tottenham Hotspur (A) 02-10-2011 |
| Abou Diaby | Canqow/Oday ka boohis | Fulham (A) 22-05-2011 |
| Jack Wilshere | Canqow/Oday ka boohis | New York Red Bulls (H) 31-07-2011 |
| Johan Djourou | Muruq | Shrewsbury (H) 20-09-2011 |
| Laurent Koscielny | Canqow/Oday ka boohis | Bolton Wanderers (H) 24-09-2011 |
| Thomas Vermaelen | Canqow/Oday ka boohis | Udinese (A) 24-08-2011 |
Jose Morinho oo laganaaxay laba ciyaarood oo kamid ah koobka boqorka dalka Spain
Tababaraha Kooxda Real Madrid Special One ama Jose Morinho ayaa laganaaxay, kadib markii saaka ay xukun kusoo rogeen guddiga tartanada ee xiriirka kubadda cagta Spain. Waxana tababaraha lagu eedeeyey anshax xumadii uu sameeyey ciyaartii Koobka Super Cup-ka ee u dhaxaysay Barcelona iyo Real Madrid e ku dhamaatay 3-2.
Sidoo kale waxaa isna laganaaxay hal kulan tababaraha labaad ee Barcelona oo isaguna lagu eedeyey fal celinta uu ka bixiyay talaabada Jose Morinho. Labadooduna waxa ay seegi doonaan kulamada ugu soo horeeya ee koobka Boqortooyada Spain.
Suuqa kala iibsiga Bisha January iyo dhaqdhaqaaqisa oo sii bilaabmay
Ololaha Suuq kala Iibsiga ciyaaryahana ee Bisha January
Kooxo aad u fara badan ayaa waxa ay sii bilaabeen ololaha ay ku doonayaan in ay ciyaarhano kula soo wareegan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha January.
Kooxada Arsenal oo aad ugu dhiiran in ay ciyaarhanno lasoo wareegto, waxa ay bilowday wadahadalo hordhac oo ay lasii gashay ciyaarhanka khadka dhexe ee kooxda Rain (Y. M Vela) oo ay shegeen in ay diyaar u yihiin in ay kula soo waregaan aduun dhan 25 million oo Pound, Taasi oo ka dhigaysa ciyaaryahankii ugu qaalisanaa ee kusoo biira kooxda Arsenal. Waxana sidoo kale Arsenal ay tartan adag ugu jirtaa si ay u hesho ciyaaryahanka G. Cahill ee u safta kooxda Bolton si uu uga kaabo difaac xumada haysta Arsenal xilli ciyaredkan.
Kooxda Juventus-na wax ay dib usoo cusboonaysiisay doonitaankeda ciyaaryahanka Chelsea ee Alex iyagoo damacsan in ay si dayn ahaan ah kula soo wareegaan bisha koowaad si uu uxoojiyo khadka difaaca ee kooxda Juventus.
Kooxaha Manchester iyo Milan ayaa isku hasyta ciyaaryahanka Jerva ee khadka dhexe uga ciyaara kooxda Banfica ee dalka Portuguese-ka.
Labadan kooxood oo aad ugu baahan ciyaarhanno khadka dhexe ay ayaa lafilayaa in suuqa soo socda ay ku herdemaan si ay ula soo wareegaan ciyaaryahankan.
Ugu danbeyntii kooxda Paris Sent German ayaa qarka usaaran si ay ula soo wareegi lahayd ciyaaryahanka David Beckham isaga oo u dhamaanayo heshiiska uu kula jiro kooxda dalka Maraykanka.
Waxana wafdi ay direenka kooxda faransiisku ay gaareen wadanka maraykanka si ay usoo dhameeyan heshiiska hordhaca ah ee ciyaryahanka Beckham uu ku imanayo Nadiga Paris Sent German
