|

Madaxwayne Shiikh Sharif oo Booqday Goobti Shalay Qaraxu ka dhacay

Booqashada uu maanta madaxweynaha DKMK ee  Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku tagay xaruntii hore ee Haragaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho oo ahayd halkii lahu xasuuqay arday Soomaaliyeed waxa uuna madaxweynahu soo kormeeray dhammaan meelihii uu qaraxa saameeyay.

Sidoo kale madaxweyanaha ayaa booqday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku jiraan dadkii ay waxyeellada ka soo gaartay Musiibaddii indha beelka ahayd ee shalay magaalada Muqdisho ka dhacay waxa uuna madaxweynaha mid mid xaaladdooda u waraystay dhammaam dadkii uu ku booqday isbitaalka.

Isbitaalka Xallane ayuu sidoo kale madaxweynahu booqday islamarkaana ay ku jiraan dhaawacyo cul culus waxa uuna dadkii halkaasi ku jiray ka xog waraystay xaaladdooda iyo waxyaabaha ay u  baahan yihiin iyadoona uu madaxweyne Shariif ballan qaaday in ay dowladda ku dadaali doonto xaaladda caafimaad Aee dadkii ku waxyeelloobay falkii foosha xumaa ee shalay Khawaarijta Shabaab ay ku xasuuqeen arday Soomaaliyeed oo ku haminayay in dalkooda iyo dadkooda ay wax u qabtaan.

Shiikh shariif aaaa saxaafada la hadaly isagoo u sheegay in  wixi shalay dhacay ay ahayeen waxlaga xumaado isagoo tilamaamay in dadkii halkan joogay ay ahaayeen arday iyo shacab  taasina ay dulmi ka galen Alshabaab

Maakhir Media Network

Comments are closed