|

Cunugii fuliyey Qaraxii Muqdisho oo codkiisa ay baahiyeen saxaafada u adeegta Al Shabaab

Saacado kadib qaraxii xooga badnaa ee shalay gil gilay xaruntii hore ee Hargaha iyo Saamaha ee bartamaha magaalada Muqdisho, ayaa waxay saxaafada ku hadasha afka Xarakada Al Shabaab ay shaaciyeen codka cunug yar oo ay sheegeen inuu ahaa kii fuliyey weerarkaasi lagu qaaday xarunta ay ku yaaleen qaar kamid ah Wasaaradaha Dowlada Federaalka KMG.

Cunugan ayaa magaciisa ku sheegay Bashaar Cabdullahi Nuur, da’adiisa weli ma cada.

Bashaar ayaan la shaacin sawirkiisa ama muuqaalka Filimka ah sidii hore looga bartay kooxda Al Shabaab, wallow ay sheegeen in ay soo wadaan filimkiisa, hadana waxaa la shaaciyey codkiisa wareysi laga qaaday kahor inta uusan fulin weerarkaasi oo loo adeegsaday sida la rumeysan yahay gaari nooca xamuulka qaada ah oo laga soo buuxiyey dhagaxaan lagu soo hoos qariyey waxyaalaha Qarxa.

Weerarkan ayaa la rumeysan yahay inuu la fuliyey Bashaar nin kale oo aan weli magaciisa la shaacin kaasi oo la sheegay inuu gaariga qaraxa geystay wax ka waday.

Bashaar ayaa codkiisa ka muuqataa inuu yahay mid aad u da’a yar, asagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu fuliyo weerarkan oo uu sheegay inuu rajeenayo inuu noqdo mid Bilow u ah Guul ay helaan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab oo uu ka tirsanaa.

Bashaar ayaa sheegay in falkan uu sameenayo lamid tahay tii ay sameeyeen kooxdii uu hogaaminayey Mohamed ATTA ee fuliyey weeraradii 11kii September 2001 lagu qaaday dalkaasi Maraykanka. Asagoo intaasi raaciyey inuu doonayo in illaahay ka aqbalo falkan uu sameenayo oo uu siiyo Shahaado.

Bashaar oo aad moodo inuu akhrinayo wixii ay u sheegeen raggii falkan ka dhaadhiciyey ayaa sheegay in Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dibadaha jooga ay ku mashquuleen waxbarasho ayadoo muslimiinta la leynayo.

Bashaar oo ka hadlay meesha uu weerarka ku qaadayo ayaa sheegay in ay tahay xarunta ugu muhiimsan ee Dowlada Soomaaliya oo ay ka buuxdo sirta Dowlada, asagoona sheegay inuu rajeenayo inuu dilo Wasiiro Badan iyo Saraakiil badan oo kamid ah DFKMG iyo AMISOM.

Waxaa hubaal ah Bashaar halkaasi inuusan ku dilin wax Wasiir ah ama Saraakiil Sare sare ah oo ka tirsan DFKMG balse dadka lagu xasuuqay weerarkii shalay uu ahaa mid inta badan lagu xasuuqay dad shacab ah oo qaarkood marayeen wadooyinka, halka dadka ku sugnaa xarunta qaraxa ka dhacay ay u badnaayeen arday halkaasi u tagay inay ka faa’iideystaan Waxbarashada ay dowlada Turkiga ugu deeqday arday dugsiyada sare ee dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Cali Dheere oo ah afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkan ay uga gol lahaayeen labo arrimood oo kale ah:

  1. In burbur loo geystay xarunta ugu muhuumsan ee Sirdoonka iyo ciidamada DFKMG
  2. In Al Shabaab ay ku muujiso inay weli ku sugan tahay gudaha Muqdisho iyo nawaaxiga KM4, waa siduu hadalka u dhigayee

Al Qaacida oo la sheego inay ay tahay midda dusha ka maamusha Al Shabaab ayaa horey loo hadal hayey sida ay uga xumaadeen tilaabadii Al Shabaab qaaday oo ahayd inay ka baxdo Muqdisho, waxaana la rumeysan yahay in dalka Yemen ay safar ugu baxeen xubno sar sare oo ka tirsan Al Shabaab si ay Al Qaida ugu qanciyaan inay qaadi doonaan tilaabooyin ka dhan ah DFKMG iyo AMISOM.

Waxaana la filayaa inay weerarkii shalay inuu si weyn u qancin doono Al Qaida, mar hadii cunug Soomaaliyeed weerar noocaas ah geystay isla markaana ku dhawaaqay inuu doonayo inuu noqdo sidii Mohamed Atta iyo 19kii Al Qaida ka socday ee fuliyey weeraradii 911, oo sanadkan laga joogo muddo 10 sano ah.

Inkastoo weerarkan Al Shabaab afhayeenkeedu ku sheegay mid dhabar jab ku ah DFKMG, ayaa hada waxaa muuqata in weerarkan lala beegsaday meeshii ugu jilicsaneyd ee xarumaha DFKMG, ayadoo Al Shabaab weerarkan aan si toos ah ulla beegsan xarrumaha ay ku sugan yihiin Ciidamada DFKMG iyo kuwa AMISOM, balse lala beegsaday xarumo ay u badan yihiin dad shacab ah.

Waxaase hubaal ah in nawaaxiga goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku taal xarunta Nabad sugida halkaasi oo dhawaan lagu soo bandhigay caruur kasoo goostay Al Shabaab iyo saraakiil horey uga mid ahaan jiray Xarakadaasi oo ayagu sheegay inay kasoo baxeen kooxda kadib markii Al Shabaab isaga baxday inta badan Muqdisho.a

Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere ayaa hadalkiisa ku soo qaatay in dadka la laayey ay u badnaayeen askar dhar cad ah oo dibada loo waday, isla markaana ay ku jireen askar ka socota PIS oo loo yaqaan ciidamada sirdoonka Puntland, ayaa ah mid la yaab ah.

Cali Dheere ayaa hadaladiisa u ekaayeen kuwii Wasiirkii warfaafinta ee dowladii hore ee Saddam Husseinkii dalka Ciraaq, ninkaasi oo lagu magacaabi jiray Mohamed Saciid Al Saxaf, oo ku adkeysanayey illaa saacadihii ugu danbeeyey ee ciidamada Maraykanka Baqdaad soo galeen, in dalka Ciraaq laga saaray xoogaga Maraykanka.

Cali Dheere wuxuu ku doodayaa inuu weerarkan ahaa mid si weyn horey looga sii fekeray oo lala beegsaday goob aad u muhiim ah oo ay Dowlada Soomaaliya xarun u ah, balse waxaa shacabka Muqdisho ay og yihiin dadka halkaasi lagu xasuuqay inay u badan yihiin shacab iyo arday waxbarasho doon ah.

Bashaar oo ah cunugii loo adeegsaday falkan, wuxuu door biday inuu noqdo Sidii Mohamed ATTA oo siduu isu qarxiyey isu qarxiyo, hadalkaasi ayaa tusaale u ah in dalka Soomaaliya uu noqday goob ay usoo “ADEEG” tageen kooxaha ka yimid dalal shisheeye oo doonaya caruur iyo dhalinyaro oo nolosha nacay oo diyaar u ah naftooda u haligaan si ay nabad u helaan marka ay qabriga galaan oo ay Illaahii abuurtay ulla kulmaan.

Waxaa hubaal ah in ubadka Soomaaliyeed ay halis ugu jiraan kooxaha aaminsan in caruurta iyo dhalinta aadka u da’ada ee mustaqbalka leh loo adeegsado falalka noocaan ah, ayadoo illaa iyo hada la hayn ragga la filka ah Cali Dheere oo fulinaya falal nocaan ah.

Waxaase hubaal ah in dal burburay iyo dad jawhareersan sida Soomaalida maanta ay meel walba ka dayacan yihiin caruurtana ay yihiin kuwa ugu nugul dhan walba xaalada qalafsan ee ka taagan dalkan nasiibka darana ee Soomaaliya la yiraaho.

Waxaa ayaduna isweydiin muddan aamusnaanta Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, waxayna tani markale tusaale u tahay sida Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee caanka ah uga gaabiyaan dhanka bayaaninta in falalka noocaan ah ay yihiin wax ka baxsan Diinta Islaamka, ayagoona aamusnaantooda fursad u siiya in caruurta Soomaaliyeed ee lamidka ah Bashaar Cabdullahi Nuur loo adeegsado falalka noocaan ah.

Hussein Farah

Source Horseed

Maakhir Media Network

Comments are closed