|

Dawlada Kenya”Xududaha aan Somaliya la wadaagno waan xidhaynaa

Kenya-MMedia-Dowlada dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay xiratey xaduudka ay la wadaagto dalka Soomaaliya ka dib markii ay kooxaha burcad badeedu ay la soo baxeen xeelado cusub oo ay ku qafaalanaayaan dadka dalxiisayaasha ah ee soo gaara dalkaas Kenya taas oo keentay inuu dhaqaalaha dalkaas ka soo galaayey dalxiisku uu ku yimaado hoos u dhac weyn.

Dowlada Kenya ayaa waxaa la sheegay inay gebi ahaanba xirtey xaduudka ay la wadaagto dalka Soomaaliya iyadoona walibana wacad ku martey inay talaabo adag ka qaadi doonto kooxaha burcad badeeda ah ee waayadaan la soo baxay inay gudaha dalkaas Kenya ka qafaashaan dalxiisayaasha reer galbeedka ah ee u soo tamashla tago dalkaas Kenya iyadoo tii ugu dambeysayna ay kooxahaas ku qafaasheen haweeney faransiis ah kol horeyna ay halkaas ka ka xeysteen kooxahaas burcad badeeeda haweeney u dhalatey dalkaas Ingiriiska ka dib markey dileen ninkeedii.

Dawalda Kenya aya wel wel ka qabta in uu  ka xumaado  talxiisayaasha  u imaanaya dalkooda si ay  ugu dalxisaan iyadoo laba  dumar ah oo u dhashay  dalka Franc e ayaa lagu afduubaty.

Maakhir Media Network.

Comments are closed