|

Madaxwayne Shiikh Shariif oo Dhawaaqay Maalmo Baroor Diiq AH

Muqdisho-MMedia-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay saddex maalin oo boroor diiq oo loogu tall galay in lagu xuso oo loogu duceeyo ardaydii iyo shacabkii ay xasuuqday Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta mudane C/qaadir Xuseen Maxamed oo la hadlay Idaacad codka dawlada ee  Radio Muqdisho ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe in uu madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed si dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed ay ugu duceeyaan wallaalahooda lagu xasuuqay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynahu uu xusay in ay tahay maalmo murugo leh oo ummada Soomaaliyeed ay ka tiiraayeesan tahay isagoo intaa raaciyay in dowladda ay si aad ah uga xasuunsanesyo dhibaatada lagula kacay ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha  ayaa sheegay in kooxda  Shabaab falka gumaad iyo callool xumada ah ay u geeystay arday Soomaaliyeed oo aan waxban galabsan in ay arki doonaan abbaalmarinta uu Alle ka siiyo.

Shalay ayay ahayd markii  qarax xoogan uu ka dhacay  Wasaaradii hore ee hargaha iyo saamaha kuwaasi oo ay dad badni ku dhinteen oo isugu jira  Arday iyo shacab ,waxaana ay ahayd  goob murugo iyo qiiro hal mar ka dhacday .

Maakhir Media Network

Comments are closed