|

Ninkii isku haligay xaruntii Hargaha iyo Saamaha oo la sheegay in uu u dhashay dalka kenya iyo Dhimashada oo sii badanaysa

Muqdisho-MMedia-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka janaraal Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyey in la hayo meydka ninkii naftiisu ku halaagay qaraxii ka dhacay xaruntii Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in baaritaano dheer kaddib ay caddaatay in ninka ka dambeyey falkaasi uu ka soo jeedo Kenya, kaa oo jeedbkiisa laga helay dukumintiyo tilmaamaya in uu u dhashay dalka Kenya sidaasina waxaa saxaafadda u xaqiijiyey G/sare C/laahi Xasan Bariise oo ah afhayeenka ciidamada booliska

Dhanka kale waxaa weli isa soo taraya dadka ku geeriyooday qaraxaasi ismiidaaminta ah iyadoo ay kor u dhaafayso 50 ruux, halka dhaawacuna uu sii cagacageynayo 100, kuwaasi oo qaarkood la gaarsiiyey isbitaalka Madiina.

Dadka goobta ku geeriyooday ayaa waxaa u badan Arday inay soo ogaadaan Natiijada Imtixaanaad ay horey u galeen oo lasoo dhejiyey waxaana ilaa hada la heyn tirakoobka rasmiga ah ee Ardayda goobta ku geeriyootay.

Sidoo kale dadka ku dhintay goobta waxaa ka mid ah dad saarnaa gawaari rakaab ah oo xiligaasi mareysay wadada laamiga ah iyo dad iyana goobo ganacsi ku lahaa hareeraha dhismaha Hargaha iyo Saamaha oo ah goobta Qaraxan lala bartilmaameedsaday.

Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa la sheegay in uu ka midyahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo xaruntaasi ku sugnaa.

Maakhir Media Muqdisho.

Comments are closed