Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii ay ku laayeen arday Soomaaliyeed
Muqdisho-MMedia-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii masiibada ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qarixii maanta lagu laayay arday Soomaaliyeed oo oo sugayay imtixaan ay u galeen deeq waxbarasho ah oo ay ka helleen dowladda Turkiga ayaa waxaa si cad u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi kooxda Al-Shabaab sida ay ku qortay websitekooda lagu magcaabo Somalimemo.com
Kooda ayaa sheegatay in qarax ay la beegsadeen ciidamada ka tirsan dowladda kuwa iyo AMISOM iyadoo ay inta raaciyeen in ay sii dhiira galinayaan qaraxaasi musiibada ah.
Qarax ay Al-Shabaab sheeganayaan ayaa waxaa lagu laayay arday Soomaaliyeed oo oo maanta wasaaradda Waxbarasha u tegay in ay soo fiiriyaan natiitada imtixaanaadkii ay galeen oo xarunta Qaraxa ka dhacay ay Wasaaraddu deganeyd.
Aradyda maanta ku shahiiday qarixii musiibada ahaa ayaa waxaa kamid ah arday Soomaaliyeed oo maalmo ka hor ka yimid dalka Suudaan sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen deeqda waxbarasho ee ay dowladda Turkiga ugu tala gashay ardayda Soomaaliyeed.
3dii bishii December ee sanadii 2009 ayaa sidan oo kale Al-Shabaab waxa ay qarax aad u xoogan ay la beegsadeen arday dhameeysatay warbarashooda jaamacadda Banaadir halkaasi oo ay ku geeriyoodeen wasiiro ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, arday, waalidiin macallimiin iyo saxafiyiin.
INAA LILLAAHI WAA INAA ILLEYHI RAAJICUUN.
SONNA
