|

Gudiga diwaan galinta iyo Furashada Asxaabta oo maanta Qasriga madaxtooyada lagu dhaariyay+Dhagayso

Play

Hargaysa-MMedia-Waxaa manta la dhaariyay Gudigii Diwaan galinta ururada iyo Furashada Asxaabta  siyaasadeed Ee Somaliland  waxaana uu ka koobnaa 7 xubnood kuwaasi lagu dhaariyay Qasriga madaxtooyada Magaaalada Hargaysa .

Dhaarinta Gudigan waxaa goob jog ka ahaa madaxwaynaha JSL Axmed Mahamed Mahamud (Silaanyo) madaxwaynae kuxigeenk C/raxmaan c/laahi ismail (saylici) iyo masuuliyin ka tirsan madaxtooyada ,wasiirka madaxtooyada Xirsi cali xaaji xasan gudiga diiwaangalinya oo iyagu la dhaarinayay.

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay madaxwaynaha isagoo ka hadlay in dhaartan manta ay tahay mid loo dhaarinaayo sidii ay hwashooda u qaban lahaayeen bulshadoodana ugu shaqyn lahayen si daacdnimo ah.

Kadib waxaa la dhaariyay gudigii iyadoo uu dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Yusuf ISmail Cali taasi oo si wada jira loo dhaariyay , manta laga bilaabona waxaa ay gudan doonaan waajibaadkooda Dastuuriga ah ee loo xilsaaray.

Isku soo wada duubo  Gudigan diwaan galinta iyo furashada asxaabta ayaa  dhawan waxaa soo magacaabay madaxwayna JSL  kadibna waxaa ansixiyaya Golaha wakiilada Somaaliland sidaasina waxay ku noqdeen Gudiga Furashada Asxaabta iyo Ururada.

Maakhir Media Network

Comments are closed