|

Admiral faarax qare:burcad badeeda wax dhibaato ah naguma heyso

Muqdisho-MMedia-taliyaha ciidanka badda soomaaliya Admiral faarax qare ayaa waxa uu sheegay in kooxaha burcad badeeda soomaalida ay ka dhasheen xaalufin lagu hayo xeebaha dalka soomaaliya wuxuu sheegay in burcad badeeda soomaalida xiligan ay ka qafaashaan maraakiibta kala duwan meel si aad ah uga fog xeebaha dalka soomaaliya xiligaan aanu wax dhibaato ah ku heynin.

admiralka ayaa sheegay in caalamka mudo sedax sano ah ay dagaal kula jiraan burcad badeeda soomaalida islamarkaana aanu waxba ka soo naasa cadeynin qaabka burcad badeeda loogu guuleysan karona ay tahay in la dhiso ciidamada bada ee soomaaliya caalamkuna aanu xiligan diyar u aheyn in uu dhiso ciidanka badda soomaaliya.

taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in caalamka sanadkii ku dhawaad ay qabtaan afartan shir oo looga hadlayo arimaha burcad badeeda soomaalida iyagoona xitaa haba yaraatee aanu ka hadlin meesha ay daawada ku jirto wuxuuna sheegay in ay ku marmarsiyoodaan in dalka soomaaliya lagu maxkamdeeyo sida uu faaraxa qare uu sheegay.

ugu dambeyntii taliyaha ciidamada bada ee soomaaliya admiral faarax qare ayaa carabka ku dhuftay in caalamka sedax sano ka hor ay u sheegeen in laba arimoodba lagu xalin karo arimaha burcad badeeda soomaalida mida koowaad ayaa waxa uu ku tilmaamay in ciidan wax gal ah la dhiso oo dowlada dhexe maamulada somaliland iyo buntland ah iyo wiilasha burcad badeeda ah oo uu sheegay in shaqadan ay ku dhiira gelisay dhibaatada dalka ka jirta loona baahan yahay in mashruucyo kala duwan loo abuuro.

hadalkani ka soo baxay admiral faarax qare oo ah taliyaha ciidanka bada ee soomaaliya ayaa waxa uu imaanaya xili ay sii kordhayaan kooxaha burcad badeeda soomaaliya iyo qafaalka ay ka geysanayaan xeebaha dalka soomaaliya iyo kuwa ka baxsan.

Ibraahim Guudle Isxaaq

Maakhir Media Network

Comments are closed